Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo dhagax dhigay dugsi lagu barto farsamada gacanta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shir lagu soo xulayo xildhibaanada maamulka Jubba oo Kismaayo ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Waxbarashada iyo Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Kismaayo, ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhagax dhigay Dugsi lagu barto farsamada gacanta oo laga hirgelinayo magaalada Kismaayo.

Wafdiga oo ka koobnaa Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana ay dhagax dhigeen iskuul cusub oo ay dhisayso midowga Yurub.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ah Khadar Bashiir Cali iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Michelle Cervone d’Urso ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay iskuul lagu baran doono farsamada gacanta.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Kismaayo ayaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Michelle Cervone d’Urso uu sheegay inay diyaar u yihiin dhismaha xarumaha danta guud, isagoo tilmaamay in xarunta cusub ay faa’iido badan u leedahay bulshada ku nool gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in waxbarashadu ay door muhiim ah ka qaadan karto wacyigelinta dhalinta ay qaldayaan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana uu maamulkiisu door muuqdo ka qaadan doono horumarinta waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Khadar Bashiir Cali ayaa safiirka uga mahadcelisay doorka midowga Yurub uu ka qaadanayo horumarinta waxbarashada, iyadoo intaa ku dartay iskuulkan uu noqon doono mid ahmiyad gaar ah u leh dhallinyarada ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in mashruucan dhismaha ah uu door weyn ka qaadan karo sidii dhallinyarada ay u heli lahaayeen xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama iskuulka uu yahay farsamada gacanta.

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In