Mas’uuliyiinta iyo saraakiil ka tirsan dowladda ee gobolka Bakool ayaa soo geba gebeyeey socdaal ay ku marayeen qeybo ka mid ah degmooyinkii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha gobalka Baay ee Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxa ay socdaal ku soo kala bixiyeen degmooyinka Qansax dheere iyo Bardaale, halkaasi oo ay ugu kuur galayeen xaaladda nololeed iyo tan amni ee degmooyinkaasi ka jirta.
Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Baay oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay kulamo la qaateen odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ee ku nool degmooyinka ay socdaalka ku tegeen, maadaama ay ka midtahay goobihii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay kala hadleen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.
“Socdaalkeena waxa uu ku saabsanaa la kulanka qeybaha bulshada, si dib loogu soo celin lahaa deegaannadasi adeegyada bulshada, maadaama meelaha ay ciidamadu la wareegeen ay ka mid ahaayeen meelo go’doon ku jirtay,” ayuu yiri Guddoomiyaha.