Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka G/Banaadir oo ka qeybgalay Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda oo lagu qabtay Muqdisho

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow u ambabaxay dalka Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka maamulka G/Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada, gudoomiyayaal degmo, mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne farabadan ayaa ka qeybgalay munaasabad uu soo qaban qaabiyay maamulka degmada X/weyne islamarkaana lagu xusayay 8-da Febrayo oo ah maalintii la doortay madaxweyne Maxamed C/laahi “Farmaajo” taasoo lagu qabtay xarunta degmada X/weyne.

Boqolaal dadweyne ah oo watay boorar iyo halku dhigyo ay ku muujinayeen waxqabadka madaxweyne Maxamed C/laahi “Farmaajo’ uuna horkacayay gudoomiyaha degmada X/weyne ayaa socod ka soo bilaabay kawaanka kaluunka ee demadaasi,  iyagoo isugu tegay xarunta degmadaasi.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Kooxda fanaaniinta xidigaha degmada X/weyne ayaa halkaasi ku soo bandhigay sugaan dhaxal gal ah oo ka tarjumeysa waxqabadka dowladda madaxweyne Farmaajo sanadkii la soo dhaafay. iyadoo  xubno ka tirsan bulshada degmadaasi ay halkaasi ka jeediyeen hadallo ay ku taageerayaan waxqabadka dowladda.

Gudoomiyaha degmada X/weyne Cumar Shariif Jeeg ayaa halkaasi ku soo bandhigay waxqabadka Dowladda, isagoo bulshada degmadaasi ka dalbaday iney taageeraan dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta xariiqay in dowladdu muujisay waxqabad la taaban karo muddadii sanadka aheyd ee ay jirtay.

Gudoomiye ku xiegaanka maamulka G/Banaadir Basmo Caamir oo xafladaasi soo xirtay ayaa sheegtay in dowladdu kasbatay taageerada bulshada Soomaaliyeed kaddib markii ay muujisay waxqabad la taaban karo sanadki ay jirtay.

Munaasabadan ayaa ku soo beegmeysi xilli ay maanta ku beegantahay 8-Febrayo oo ah markii markii la doortay madaxweyne Maxamed C/laahi ‘Farmaajo.

Previous Post

Akadeemiyad goboleedka Af Soomaaliga oo tababar u qabatay 50 dhallinyaro ah+Sawirro

Next Post

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray 50 Saxafi

Next Post
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray 50 Saxafi

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray 50 Saxafi

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In