Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la yeelatay qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala gudaha dalka sida NIS, World Vision Iyo IDLO.
Waaaxda Kormeerka iyo Qiimeyna ayaa ugu horeyntii u soo bandhigtay hay’adaha ay la kulantay nidaamka kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka kaasi oo la doonayo in hay’adaha ku dhaqmaan..
Kulamada ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta nidaamka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka ee heerarka kala duwan ee dowladda kaasoo ah mid dhameystiran oo lagula soconayo mashaariicda ay hay’adahan ka fuliyaan dalka, waxaana ujeedadoodu ahayd sidii loo adkeyn lahaa xariirka u dhaxeeya Wasaaradda iyo Hay’adahan.
Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ayaa ugu danbeyntii fartay in Hay’adaha dalka ka howlgala ay u hogaansamaan awaamiirta dowladda, kuna shaqeeyaan shuruucda iyo xeerarka ay dowladdu u dejisay hay’adaha.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha waxaa ka go’an in la hirgeliyo hab hufan oo wax ku ool ah oo kor u qaadaya nidaamka kormeerka iyo qiimeynta Soomaaliya.