Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Galmudug oo kormeeray xarunta imtixaanaadka ee Dhuusamareeb

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Galmudug oo kormeeray xarunta imtixaanaadka ee Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Shariif Maxamed Khaliif oo ay wehliyeen Mas’uuliyiin ka socota hay’adda Badbaada Caruurta ( save the Children ) ayaa maanta kormeeray goobo ay ka mid yihiin xarunta waaxda Imtixaanada wasaaradda waxbarashada oo ay ka socotay saxida imtixaankii dhawaan la qaadey ee fasalka 8-aad guud ahaan dugsiyada Galmudug iyo Goobo kale oo ay ka mid yihiin dhismaha xarunta dhexe ee wasaaradda iyo Mashruuca dib u dhiska dugsigii sare ee gobolka Galgaduud oo dhamaanba ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Madaxda save & wasiir ku xigeenka ayaa kormeerkan ugu kuur galey sida ay u socdaan howlahan, iyagoo xog wareysi la yeeshay injineerada gacanta ku haya Mashaariicda dhismaha iyo macalimiinta saxayaa imtixaanka oo dhamaantoodba rajo wanaagsan ka muujiyey in mudada loogu talagaley lagu soo idleeyo howlahan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Axmed cumar Ibrahim oo ka mid ah madaxda hay’addaha save the Children ayaa ku amaanay Wasaaradda waxbarashada Galmudug sida ay durbaba u dardar galisay mashaariicda waxbarashada oo qayb ka ahaa tiro mashaariic ah oo hey’addani taageertay isla markaana ka socda degmooyinka Galmudug.

Ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Shariif Maxamed Khaliif ayaa sharaxaad guud ka bixiyey sida ay u socoto shaqada wasaradda iyo xiliga la shaacin doono natiijada kama dambeysta ah ee imtixaanka Wasaaraddu ka qaadey ardayda fasalka 8-aad ee deegaanada Galmudug.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah ogaanshaha iyo la socodka mashaariicda lagu tayaynayo waxbarashada Galmudug ee ka socda degmooyin dhowr ah kuwaa oo sanadkan lagu howlgalinayo tiradii ugu badneyd ee iskuulo ah.

Tags: Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Galmudug oo kormeeray xarunta imtixaanaadka ee Dhuusamareeb
Previous Post

Guddiga doorashooyinka dadban oo doortay Guddoomiye ku meel gaar ah

Next Post

Qarax sababay dhimasho hal qof iyo dhaawac oo ka dhacay deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay

Next Post
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”

Qarax sababay dhimasho hal qof iyo dhaawac oo ka dhacay deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In