Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa laga bartay Inqilaabkii fashilmay eeTurkiga? (Maqaal)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maxaa laga bartay Inqilaabkii fashilmay eeTurkiga? (Maqaal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Labo Sano ayaa ka soo wareegtay Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga , kaasi oo daba socday mudaharaadyo rabshada watay oo xukuumadda dalkaasi looga soo horjeeday oo xooggiisu uu ka dhacayΒ  magaalada Istanbuul sanadkii 2013dii, kuwaasi oo lagu magacdaray dibadbaxyadii β€œGezi Park Protests”.

Xukuumadda Turkiga waxay ku eedeysay in ay ka danbeeyeen rabshadahaasi kooxda uu hogaamiyo WadaadkaΒ  Musaafiriska ku jooga dalka Maraykanka eeΒ Fatuhullah GΓΌlen, islamarkaana ujeedada laga lahaa Qalalaasahan uu ahaa in hoos loogu dhigo dhibaatana lagu gaarsiiyo dhaqaalaha, amniga iyo muuqaalka dalka ee dhanka xuquuqdaΒ  bani’aadamka. Waxana xilligaas ururada udooda xuquuda aadanaha oo badankoodna laga leeyahay wadamada reer galbeedka ay ku eedeeyeen Xukuumadda Ankara in ay ku xadgudubto Xuquuqda Aadanaha.

Afgambigii dhicisoobay ee 15/07/2016 waxaa naftooda ku waayay tiro da ah oo ku dhow 300 oo qof,waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 1000 qof. Inkasta oo inqilaabku fashilmay hadana saamaynta ay dhacdadaaasi ka tagtay ayaa ah mid wax badan ka badashay aragtida dadwaynaha iyo siyaasada dalka. Waxaan shaki ku jirin in dhacdadaasi waddo cusub u jeexday hab socodka siyaasada dalka Turkiga ee Mustaqbalka.

Fashilaadda ku timid inqilaabkaasi waxay u horseeday dalka Turkiga dariiq ka duwan kii uu ku socday mudada boqolka sano ah oo ku beegan dhismihii Nidaamkii Jamhuuriyadddii Turkiga ee aasaasideeda uu lahaaβ€œMustafa Kamaaludiin Ata Turki”.

dhacdada Muhiimka ah ee ka dhalatay inqilaabkaasi fashilmay Β waa meel marinta is badalada dastuurka dalkaasi lagu sameeyay, waxaana marag madoonto ah in muwaadiniinta turkigu 51% ay sababtaas darteed ku ogolaadeen isbadalkaas, kaasi oo awoodo dheeraad ah siinaya madaxwaynahya jamhuuriyada Turkiga Β si loo helo hogaamiye awood leh oo dalka Turkiga kaΒ  ilaaliyaΒ  Khatar soo wajahda Qaranimada iyo ku dhaqanka Dimoqoraadiyadda.

Afgambiga fashilmay kadib waxaa suurtagashay in hayadaha dawladda laga sifeeyo taageerayaashaΒ  Wadaadka Fatuhullah GΓΌlen ,waxaana xabsiga la dhigay dad gaaraya 50,000 oo oo isugu jira Millatari,Booliis, Garsoorayaal iyo Shaqaale rayid ah, way adkaan lahayd in kooxdaan laga nadiifiyo hayadaha dawladda haduusan iskudayga inqilaab dhici lahayn.

Tallaabadaan Xirxiridda iyo dalkoo lagu soo rogay xaalad dagdag ah β€œState of Emergency” ayaa keentay cambaaraynta ururo iyo dawlado reer galbeeda ah, kuwaasoo ku eedeeyay xukuumadda Ankara in inqilaabka kadib doonaysoΒ  in ay meesha kasaarto cid kasta oo ka hortimaada siyaasada madaxwayne Erdogan iyo xisbigiisa.

Turkiga wuxuu ku yaalaa gobol gubanaya oo ay ka sosdaan dagaallo wajiyo badan leh sida kan ka socda dalka Suuriya mudada todobada sano ah, kaasi oo dalka Turkiga Saamayn dhinac walba ah ku yeeshay

Dalka Turkigu meesha uu juqraafi ahaan ku yaal, taaariikhda dheer ee gobolka ku leeyahay, awoodiisa dhaqaale iyo tan Milatari waxaa lagama maarmaan ah in uuΒ  door wayn ku yeeshoΒ Β  xallinta dhibaatooyinka gobolka, si taasi loo helana waa in marka hore Turkigu arimihiisa gudaha xal waara u helo ayna ka mid yihiin xaaladaha ka dhashay isku daygii inqilaab ee dhicisoobay.

Maadaama muddo labo sano ah ay kasoo wareegtay inqilaabka fashilmay ee Turkiga ayaa waxaa jira yididiillo iyo rajo wanaagsan oo ay shacbiga TurkigaΒ  ka qabaan hoggaamiyahoodaΒ Racep Dayib OrdagaanΒ oo 24/06/2018, si aqlabiyad ah loo doortay in uu dalkaasi u hoggaamiyo dhinaca horumarka iyo sidii uu kaga tallaabsan lahaa dabinada faraha badan ee loo maleegayo.

W/Q:- Abukar Gobdoon

Previous Post

Taliska qeybta 43-aad ee Xoogga Dalka oo xoojinaya abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-shabaab. +sawiro

Next Post

Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro

Next Post
Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro

Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In