Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Guddoomiyey Shirka Gollaha Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Shirka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Baay, Saraakiisha Laamaha Amniga Booliska, Mileteriga, Nabad Sugida, ATMIS iyo Saraakiil Ka socday Dowladda Iglan.
Shirka Waxaa looga hadlay Xoojinta Howlgalada lagu soo afjaraayo kooxaha Argigixisada ee dhibaateeya Shacabka.
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa u mahadceliyey Ciidamada qeybahooda kala duwan ka qeybqaadashada sugida amniga Deeganada Koonfur Galbeed waxana Saraakisha uu Faray in loo diyaar garoobo Howlgallo ka dhan ah ย Argigixisada Al-shabaab.