Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaad ka taqaan Waxtarka Liin Dhanaanta (Maqaal)

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Geed Miroodyada la manaafacaadsado waxaa ka mid ah liin dhanaanta oo waxtar weyn u leh Dadka, marka waa maxay Liin dhanaantu?, Liin dhaanaantu waa miro ka mid ah khudaarta oo ka tirsan qoyska liinta. Liin dhanaantu waxay caan ku tahay dhadhankeeda dhanaanka ah iyo biyaha asiidh badan ee laga helo miraheeda. Geedka liin dhanaantu waa mid waligiis cagaar ah oo ka dherer gaaban geedaha kale ee liinta.

Marka aan ka hadalno Faa’idooyinka laga helo isticmaalka liin dhananta.liin dhanaantu waxay yaraysaa ama hoos u dhigtaa acidka jidhka,Liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka, waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah, sida aashitada uriik “Uric Acid”, waxay kaloo dishaa dacarta, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in qofka uu subaxii hore cabo biyo liin dhanaan oo qandac ah si beerka u nadiifismo.

Liin dhanaantu waxay nadiifisaa mindhicirrada, waxay kordhisaa dubaaxinta mindhicirrada si ay jirka uga saaraan waxa mindhicirrada ku dhex jiro, waxay kaloo la dagallantaa gooryaannada caloosha ku jiro sida tuunta oo kale,Liin dhanaantu waxaa aad ugu badan fitamiin C-ga, fitamiinkaan oo xoojiyo difaaca jirka lana dagaallamo infekshanka ama Caabuqa ay feyrasyadu keenaan sida Hergabka iyo wixii soo raaca.

Haddaan ka eegno dhinaca Is qurxinta, liin dhanaantu waxay qurxisaa wajiga, waana jeermis dile awood buuxa leh, waxay la dagaallantaa caabuqa, bakteeriyada iyo fayrasyada qaar oo ay ku samayso waxa loo yaqaano “inactivation”.

Liin dhanaanta waxay xoojisaa xididada, waxayna yareysaa halista inay xididada dillaacaan ama qofka dhiigbax jirka gudihiisa ku dhaco, khaasatan dadka qabo dhiig-karka.

Liin dhanaantu waxay wanaajisaa aragga, iyadoo daawo u ah xanuunada ku dhaca shabakadda isha ee “Retina” waxaana la ogaaday inay sabab u tahay maado liin dhanaanta ku jirto oo loo yaqaano “Rutin”.

Liin dhanaanta waxaa ku jiro aashitada loo yaqaano “Citric acid” tan oo jirka ku caawiso inay misho ama dhalaaliso dhagaxaanta ku samaysmo xameetida iyo kilyaha, dadka ay ku soo laalaabtaan dhagaxaanta kilyaha iyo xameetida waxaa lagu booriyaa inay cabista liin dhanaanta joogteeyaan.

W.Q.C/laahi Ruush

Previous Post

Elman oo aan adkaan afar kulan oo xiriir ah

Next Post

QM oo dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya

Next Post
QM oo dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya

QM oo dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In