Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxamed Cali Americo oo lagu soo dhaweyey Holland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maxamed Cali Americo oo lagu soo dhaweyey Holland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan si weyn loogu soo dhaweynaayey Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Kenya  Maxamed Cali Americo ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Roterdam ee Wadanka Holland, iyadoo kulanka ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulashada Soomaalida ee ku nool wadanka Netherland.

Munaasabadaan lagu soo dhaweynaayey Maxamed Cali Amerio ,ayaa waxaa hadalo muhiim ah ka jeediyey  qaar ka mid ah Dadkii lagu casuumay, waxaana ay ku  bogaadiyeen Maxamed cali Americo sida hufan ee uu nabadda ugu shaqeynaayo .

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Sheekh Muuse Cadde oo ka mid ah Culimaa udiinka Soomaaliyeed kuna nool wadanka Holland ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay siweyn u yaqaaniin, isla markaana uu ku dayasho mudanyahay waxyaabaha uu sameyey Maxamed Cali Americo, isagoo ku amaanay sidii uu ugarab istaagay Soomaalida ku nool  wadanka Kenya xiligii uu Safiirka ka ahaa halkaasi iyo Socdaalkii nabadda ee Maxamed Cali uu ku tagay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Cali Waare oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland ,ahna madaxa Hay’ada FSAN kuna hadlaayey magaca Soomaalida kunool Wadanka Holland, ayaa waxaa uu sheegay in kaalin weyn oo muuqata uu Maxamed Cali Americo uu ka qaaday Hanaanka Nabadda Dalka isagoo hoosta ka xariiqay in socdaalkii nabada ee uu ku tagay Goboladda dalka uu ahaa mid siweyn loogu baahnaa .

Magan Daahir oo ah Cayaaryahan kubadda Miiska oo guulo badan u soo hooyey Soomaalida ayaa waxaa uu Maxamed  Cali gudoonsiiyey abaal mirin qaali ah, taasi oo uu Magan ku sheegay in ay tahay hadiyad uu ugu talagalay Maxamed Cali, isagoo ka wakiil ah bulshada Soomaalida ee Holland.

Gabagabadii Xafladda, ayaa waxaa hadalo la sugaayey oo qiimo badan jeediyey Maxamed Cali Americo ,waxaana uu ka war bixyey socdalkiisii nabadda ee uu ku tagay Gobolada Dalka, marka laga reebo Gobolka Hiiraan oo  uu sheegay in loodiiday, waxaana uu si weyn ugu warbixiyey sida dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay jogaan ay ugu soo dhaweeyeen.

“Socdaalkeyga gobolada Dalka iyo dibadaba waxaa uu ahaa mid nabadeed oo aan ugu kuurgalaayey sida dadka Soomaaliyeed loo fahamsiinlahaa qiimaha nabadda, lakiin ma uu san aheyn mid siyaasadeed oo aan ku doonayo in aan u tartamo jagada ugu sareysa dalka 2016” ayuu yiri Maxamed Cali Ameerico .

Danjirihii hore ee Soomaaliya u joogay Kenya waxaa uu sidookale sheegay in meel kastoo uu tago ay dadka si weyn u soo dhaweynayeeen oo ayna u sheegayeen in ay u baahanyihiin in madaxda dalka ay u yimaadaan ,oo ay arkaan sida ay u nooliyiin ,taasi oo uu sheegay in ay tahay mid dhiirigalin u noqon karta shacabka Soomaaliyeed.

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10)

C/laahi Taajiroow  

Holland

Previous Post

Kay oo cambaareeyay weerar lagu qaaday xarun AMISOM ay ku lahaayeen Janaale

Next Post

Boqolaal Xujey ah oo loo qeybiyey Baasabooradooda una diyaar garoobay Xajka “SAWIRRO” 

Next Post
Boqolaal Xujey ah oo loo qeybiyey Baasabooradooda una diyaar garoobay Xajka “SAWIRRO” 

Boqolaal Xujey ah oo loo qeybiyey Baasabooradooda una diyaar garoobay Xajka "SAWIRRO" 

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In