Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Maxay ka dhigantahay in Neymar Jr u wareego Paris Saint-Germain.?

admin by admin
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Maxay ka dhigantahay in Neymar Jr u wareego Paris Saint-Germain.?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

222-Milyan Yuro oo ah Heshees layaab leh oo wali aanan ka dhicin Kubadda Cagta ayay Naadiga Paris Saint-Germain kula wareegtay Neymar Jr oo ka mid ah xidigaha Dunida ugu fiican xiligaan. Ciyaaryahankaan ayaa hadda ka wareegay Camp Nou waxaana lagu soo bandhigay magaalada Paris ee Caasimadda Waddanka Faransiiska, iyadoo Naadiga PSG ay ku Abaal marisay Numberka 10-aad.

Jr ka hor, heshiisyada Aduunyada la yaabka ku ahaa ee dhacay waxaa ka mid ahaa kuwa lagula wareegay ciyaartoyda Paul Pogba iyo Gareth Bale kuwaas oo Naadiyadooda ay ku qaateen ilaa iyo 100-Milyan oo Yuro, laakiin Dhacdooyinkaasi waxaa meesha ka saaraya Taariikhdaan cusub oo ay samaysay Kooxda reer Faransa ee PSG.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Taageerayaasha iyo Bahwaynta Jecel kubadda Cagta oo Sanadihii ugu danbeeyay sii batay ayaa keentay in Kooxaha iyo Milkiilayaashaba ay helaan Suuq wayn oo lacago badan  ka soo galaan, waxaana Dhacda in marka hal ciyaaryahan ay ku soo iibsadaan Lacag Waali ah in wax ka badan Lacagta ka baxday ay ka helaan iibsiga Fanaanada Kooxda iyo Xayisiinta ay Naadigu Samayso.

-In Heshiiska hal ciyaaryahan lagu Burburiyo 222-Milyan Yuro waxay ka dhigantahay in kubadda Cagta ay dhammaanteed isku sii badalayso Ganacsi iyo in Lacag waali ah laga sameeyo.

-In Neymar Jr uu helo Naadi uu isagu Hoggaaminayo sida PSG oo kale ayaa waxay kaga dhigantahay inuu noqon karo xidig wayn oo la tartama Saaxiibkiisii hore ee Messi iyo Ronaldo, si uu u noqdo Xidiga Aduunyada ugu Fiican.

-In Jr uu ka hoos baxo Messi waxay wado wayn u sii furi kartaa xidiga ay haatan qariyeen Ronaldo iyo Messi ee kala ah  Gareth Bale iyo L. Suarez, kuwaas oo haatan shaqada ay qabtaan ay ku Abaal leeyihiin xidigaha 10-kii Sano ee la soo dhaafay heestay Dunidaan.

-In Xidigaan oo kale uu ku biiro Horyaalka Faransiiska ayaa waxay micno wayn u samaynaysaa xiisaha iyo magaca Horyaalka Faransiiska, taasi oo sidoo kale dhiiragalin doonta in xidigo waawayn oo markii hore ku taami jiray Horyaalo gaar ah ay haatan u weecdaan dhanka Faransiiska.

-In Barcelona ay sanadkaan la soo shirtagto Koox uu ka maqanyahay Jr ayaa waxay Farxad galin kartaa Kooxda ay sida wayn u xifaaltamaan ee Real Madrid maadaama Neymar loo arkayay in Barcelona uu u yahay mashinka labaad ee Dhaqaajinayay marka laga soo tago Messi.

Si kastaba waxaan rajaynaynaa in Sanadkaan la daawado ciyaaraha Kubadda Cagta iyadoo uusan jirin Tartankii Laba Geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Ronaldo iyo Messi, waxaana sidoo kale la filayaa inuu bilowdo Tartan Saddex Geesood ah maadaama uu ku soo biirayo Neymar Jr.

W/Q Mohamed Kaafi Sheekh Abuukar

 

 

Previous Post

Xildhimaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Ma’suuliyiin koonfur galbeed ayaa ka qeyb galay Munaasabad tababar loogu furay labo boqol (200) barre oo ku nool Baydhabo

Next Post

Dilkii Cali Jabal waxey wiiqeysaa falalka argagaxisada ay shacabka ku ugaarsanayaan

Next Post

Dilkii Cali Jabal waxey wiiqeysaa falalka argagaxisada ay shacabka ku ugaarsanayaan

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In