Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS ayaa xarunta guddiyada kulan kula qaatay Wasiiru-dowlaha Wasaardda Arimaha dibada ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Cali cumar (Balcad) oo ay wahlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Mudane Isxaaq Maxamuud Mursal iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS mudane Xamse Xaadow, Khuburo iyo agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda
Kulanka waxaa shir Gudoominayay Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed waxaana goob joog ahaa xubnaha Guddiga.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Heshiis Beenaadkii ay Dowladda Ethiopa lagashay Maamulka Soomaaliland.
Xubnaha guddiga oo door kooda ku aadan Hishiis beenaadkaasi ayaa Madaxda Wasaaradda u sheegay mowqifkooda ah in taako kamid ah dhulka Soomaaliya aan gorgortan laga galin ayagoo Su’aalo ka waydiiyay ka Wasaarad ahaan tilaabooyinka ay qaadeen iyo sababah uu wali Dalka u ujoogo Safiirka ethiopa.
Wasiiru-dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaardda arimaha dibadda ayaa mid mid ugu jawaabay waydiimaha Guddoonka iyo xubnaha Guddiga ayagoo faahfaahiyay dhamaan su.aalihii laweydiiyay.
Ugudambeyntii guddoomiye ku xigeenka gudiga ayaa soo xiray kulanka maanta.