Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ay ka wada hadleen howsha doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.
Doorashooyinka labada Guddoon ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa loo balansan yahay in la qabto maalmaha fooda inagu soo haya, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha u rajeeyay Guddoomiyeyaasha KMG ah ee Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare in uu Alle u fududeeyo howsha loo igmaday.