Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Danjire Kate Foster.
Kulanka ayaa looga hadlay Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ka jira, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha socda oo doorashooyinku ugu horeeyaan.
War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay madaxweyne Deni la wadaagtay hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxayna muujisay in doorashadda hal qof iyo codka ah ee Puntland ka dhacaysa ay rajo wanaagsan gelineyso guud ahaan Soomaaliya.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.