Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Gaana Mudane Nana Akufo-Addo.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo ay Madaxweyneyaashu isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Gaana.
Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya meertada 35-aad ee shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.
Halkaan hoose ka daawo khudbadiisii
https://youtu.be/z-5XpIF_QfU