Saturday, May 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay Soomaaliya ka faa’iideysaa hadey ku biirto Daladda Bulshada Bariga Afrika?

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 23, 2022
in Wararka
0
Maxay Soomaaliya ka faa’iideysaa hadey ku biirto Daladda Bulshada Bariga Afrika?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ugu biiri laheyd dalladda bulshada Bariga Afrika – East African Community oo magaceeda loo soo gaabiyo (EAC), waana ugu yaraan markii 3-aad oo Soomaaliya ay dirsatay codsiga ku biirista dalladaas.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dabayaaqadii todobaadkii tegay u safray magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya, halkaas oo wadamada ku bahoobay ururkaan uu shir uga furmay, Madaxweynaha ayaa gudbiyey codsigiisa dalabka Soomaaliya ee ku biiridda ururkaas.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

May 29, 2025
Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

May 29, 2025

Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay la barbar dhigay calamada wadamada ku baheysan bulshada bariga Afrika, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh madaxdii ku shirtay Caruusha uu kula kaftamay in calanka Soomaaliya uu halkiisaas ka sii taagnaado oo dalladaan ay aqbasho codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada ururkaan.

Hadabada maxay Soomaaliya ka faa’iideysaa hadey ku biirto daladaas?

Soomaaliya waxaa muhiim u ah in xubinimadeeda Daladda Bulshada Bariga Afrika ay uga faa’iideysato xoojinta baayac-mushtarka dalka, si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga shaqeystaan dalalka xubnaha ka ah daladda, sidoo kalena shuruud la’aan loogu dhoofiyo wax soo saarka gudaha dalkeenna.

Markii ugu horeysay sanadkii 2016-kii ayey dowladda Soomaaliya gudbisay codsigeeda ku biiridda daladaas, sanadihii 2018 – 2019 ayey ku celisay, xiligaas wuxuu ururku muujiyey sida uu u daneynayo inay ku soo biirto Soomaaliya.

Sanadahaas madaxda wadamada ku bahoobay dalladaas waxay go’aamiyeen inay soo diraan guddi soo baara xaaladda Soomaaliya, balse go’aankaas wuxuu ka dhaqan geli waayey dhanka dowladda Soomaaliya, sababo jiray awgood.

Waayahaas waxaa sii xumaanayey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana meel xasaasi ah mareysay dooda kiiskii muranka badda ee Soomaaliya kala dhexeeyey Kenya. Sidoo kale Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markaas ahaa guddoomiyaha ururka, taas ayaana keentay in Soomaaliya ay diido guddigii loo soo diray.

Todobada wadan ee hadda Daladda Bulshada Bariga Afrika ku mideysan ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo ah wadankii ugu dambeeyey ee ku biiray sanadkaan 2022.

Tusaalaha ugu dhow ee muhiimka ka dhigaya in Soomaaliya ay ku biirto daladaas waa in Ganacsato Soomaaliyeed oo aad u badan ay hanti muuqata ku leeyihiin dalalkaas, kana shaqeystaan, markii laga reebo dalka Burundi.

Xarunta ururkaas waa magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, waxaa daladaan la dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah 7-da wadan ee hadda ku mideysan magaca Daladda Bulshada Bariga Afrika.

Wadanka South Sudan ayaa xubinimada EAC helay bishii September ee sanadkii 2016-kii, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo loo ogolaaday inay ururkaas ku biirto 29-kii Maarso sanadkaan 2022.

Dalalka xubnaha ka ah daladaan waxay iska kaashadaan dhinacyo ay ugu horeeyaan siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, teknoolajiyada iyo sharciga, waxay haminayaan inay sameeyaan is-dhexgal buuxa oo dhinac kasta leh.

Heshiis ay gaareen sanadkii 2005-tii wuxuu dhigayaa in la mideeyo canshuuraha xuduudda oo ay alaabaha iyo dadku si xor ah uga kala gooshaan wadamada ku bahoobay daladda. Shuruudda ku xiran alaabaha la isku dhoofinayo waa inay ka yimaadaan gudaha wadamada xubnaha ka ah Daladda Bulshada Bariga Afrika.

Waxay sameysteen suuq gaar ah oo shaqeynayay ilaa sanadkii 2010-kii, waxayna ku haminayaan in sanadka soo socda ee 2023-ka ay samaystaan lacag u gaar ah, yoolka ugu weyn ee daladaan ay hiigsatana, waa in ugu dambeyntii Bulshada Bariga Afrika ay yeelato dowlad ay ku midaysan tahay.

Inkastoo aan la sii sheegin xilliga la qorsheeyey in la gaaro yoolkaas, hadana waxaa la qeexay in midnimada dowladeed ee dalladdu ay dooneyso bud-dhig looga dhigo, in siyaasad midaysan ay dalalku ka yeeshaan arrimaha ammaanka, gaashaandhigga iyo xiriirkooda dunida kale.

Tirada muwaadiniinta hoos taga midowga daladdaan, waxay gaareysaa 300 oo milyan oo qof, halka dhaqaalahooda wadar ahaan lagu qiyaasay 250 milyan oo doollar.

Madaxda dallada EAC saacadihii lasoo dhaafay ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya uga yimid.

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb gashay shirkan oo ahaa kii 22-aad ee xubnaha urur ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee shacabka Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin, doorka xooggan ee Soomaalidu ay ka qaadan karto horumarka dalladan iyo saameynta aan ku leenahay Gobolka.

”Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxaanu leennahay khayraad, macdan, xoolo iyo beero. Intaas waxaa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican,” ayuu Caruusha ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo Barnaamijka Faham ee Radio Muqdisho

https://www.youtube.com/watch?v=fD2Nsw7Ayhs&t=95s

Previous Post

Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo qaadanaya Dufcadii 2-aad

Next Post

Weerarkii argagixisada ee dowlad deegaanka Soomaalida oo la soo afjaray

Next Post
Weerarkii argagixisada ee dowlad deegaanka Soomaalida oo la soo afjaray

Weerarkii argagixisada ee dowlad deegaanka Soomaalida oo la soo afjaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

May 29, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

May 29, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada...

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

May 29, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kulan...

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah

May 29, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axme Diiriye (Yabooh), ayaa dhagax dhigay waddo interlock ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In