Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay tahay Faa’idooyinka shirka Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Afrika guud ahaan,gaar ahaan Soomaaliya?

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maxay tahay Faa’idooyinka shirka Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Afrika guud ahaan,gaar ahaan Soomaaliya?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha maanta waxaa ka furmaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

`

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka lagu casuumay shirkaasi,kaasi oo muhiimad gaar ah uleh iskaashiga ganacsiga,maalgashiga,Xiriirka soo jireenka ah  iyo kobaca  dhaqaalaha Labada dal.

Dr. Mahad Maxamed Sheikh Cusmaan oo ka mid ah Aqoonyahana ka falooda arrimaha dhaqaalaha kuna sugan magaalada Beijing oo ka hadlay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa sheegay in faa’idooyin aad u weyn uu u  leeyahay Afrika guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya oo hadda ka soo kabaneyso dagaaladii sokeeye una jiheystay dhanka horumarka.

“Faa’ido aad u weyn ayuu u leeyahay Afrika guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya oo hadda dagaaladii ka soo kabaneysa horumarna hiigsaneysa,ina lala yeesho xiriir dhaqaale oo dhan walba leh oo laba geesood ah kuna saleysan halbeegga saxda ah ee dhaqaalaha oo ah Comparative Advantage,” ayuu ku sheegay Dr. Mahad Maxamed Sheikh Cusmaan oo wareysi uu siiyay Radio Muqdisho.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee hadda Afrika loo daneynayo ayuu ku sheegay iney tahay meel Kheyraad badan oo dahan uu yaalo,macaadintii,beeraha iyo waliba iney jiraan dalal badan oo Afrika ay ka Kheyraad badan tahay.

Shuceyb  Cusmaan Maxamed oo ah Ganacsade Soomaaliyeed oo ku nool dalka Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay Wadamadii ugu horeeyay ee Bariga Africa ee dalka Shiinaha cilaaqaad diblomasiyadeed yeeshaan,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda iyo Ganacsatada Shiinaha ay si aad ah u xiiseynayaan iney maalgashadaan Soomaaliya,islamarkaa soo dhoweynayaan iney iskaashi buuxa la yeeshaan.

Shirkaan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Shiinaha iyo Afrika,waxaana intiisa badan diirada lagu saarayaa arrimaha dhaqaalaha Afrika iyo Shiinaha,waxaana lagu casuumay madaxweynayaasha Afrika,qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in shirka laga soo saaro waxaa ka mid ah sidii Shiinaha Afrika kaga soo qaadan lahaa Kheyraadka dabiiciga ah (Natural Resources).

Previous Post

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Next Post

Shirka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

Next Post
Shirka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

Shirka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In