Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay tahay Faa’idooyinka shirka Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Afrika guud ahaan,gaar ahaan Soomaaliya?

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maxay tahay Faa’idooyinka shirka Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Afrika guud ahaan,gaar ahaan Soomaaliya?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha maanta waxaa ka furmaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

`

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka lagu casuumay shirkaasi,kaasi oo muhiimad gaar ah uleh iskaashiga ganacsiga,maalgashiga,Xiriirka soo jireenka ah  iyo kobaca  dhaqaalaha Labada dal.

Dr. Mahad Maxamed Sheikh Cusmaan oo ka mid ah Aqoonyahana ka falooda arrimaha dhaqaalaha kuna sugan magaalada Beijing oo ka hadlay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa sheegay in faa’idooyin aad u weyn uu u  leeyahay Afrika guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya oo hadda ka soo kabaneyso dagaaladii sokeeye una jiheystay dhanka horumarka.

“Faa’ido aad u weyn ayuu u leeyahay Afrika guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya oo hadda dagaaladii ka soo kabaneysa horumarna hiigsaneysa,ina lala yeesho xiriir dhaqaale oo dhan walba leh oo laba geesood ah kuna saleysan halbeegga saxda ah ee dhaqaalaha oo ah Comparative Advantage,” ayuu ku sheegay Dr. Mahad Maxamed Sheikh Cusmaan oo wareysi uu siiyay Radio Muqdisho.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee hadda Afrika loo daneynayo ayuu ku sheegay iney tahay meel Kheyraad badan oo dahan uu yaalo,macaadintii,beeraha iyo waliba iney jiraan dalal badan oo Afrika ay ka Kheyraad badan tahay.

Shuceyb  Cusmaan Maxamed oo ah Ganacsade Soomaaliyeed oo ku nool dalka Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay Wadamadii ugu horeeyay ee Bariga Africa ee dalka Shiinaha cilaaqaad diblomasiyadeed yeeshaan,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda iyo Ganacsatada Shiinaha ay si aad ah u xiiseynayaan iney maalgashadaan Soomaaliya,islamarkaa soo dhoweynayaan iney iskaashi buuxa la yeeshaan.

Shirkaan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Shiinaha iyo Afrika,waxaana intiisa badan diirada lagu saarayaa arrimaha dhaqaalaha Afrika iyo Shiinaha,waxaana lagu casuumay madaxweynayaasha Afrika,qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in shirka laga soo saaro waxaa ka mid ah sidii Shiinaha Afrika kaga soo qaadan lahaa Kheyraadka dabiiciga ah (Natural Resources).

Previous Post

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Next Post

Shirka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

Next Post
Shirka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

Shirka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In