Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay tahay xaqiiqda rasmiga ah ee ka dambeysay shaqaaqadii ka dhacday Jowhar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

18-kii bishaan waxaa Is rasaaseyn ka bilaabatay xarunta ay ka dhaceysay doorashada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar, taasi oo ka dambeysay buuq ka dhashay doorashada Aqalka Hoose oo Kursiga Gugundhabe, gaar ahaan Jufada Jidle ay ku tartamayeen illaa saddex musharax muran hareeyay dhanka ergada ah.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuur, Axmed Sheekh Nuur Foodcadde iyo Nuur Bocor.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wareega hore ayaa mas’uuliyiinta waxa ay isku mari waayeen xagga dhibcaha laga rabay in uu qofkasta la yimaado oo sida sharciga qabo ay tahay 26 dhibcood, maadaama ay ergadu tahay 51 qof, waxaana loo baahday in la sameeyo wareeg labaad, maadaama ay isku soo hareen labo musharax, loona baahday in lagu kala saaro wareegga xiga, iyadoo intii lagu jiray arrintaasi ay madasha ka dhalatay buuq ay sameeyeen qaar ka mid ah ergada musharixiinta u codeyneysay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa ku soo waramaya in  Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux uusan waxba kala socon shilkii ka dhacay 18-kii bishan afaafka hore ee Hoolka doorashada aqalka Hoose ee Jowhar, isla markaana uu isagu ku jiray gudaha Hoolka, balse markii dambe lagu wargeliyay sida ay wax u dhaceen.

Wararka ayaa tillmaaya Wasiirka ilaadiisa oo sagootinayay ergada ay la kulmeen tacshiirad kaga timid kooxo hubeysan, isla markaana aysan iyagu ka warqabin sababta ka dambeysay in rasaasta lala dhaco.

“Waxaa jirtay in doorashada dadka codeynayay ay calaamad u yeeleen warqado gaar ah, taas ayaa ka dhalatay buuq oo ay dagaalameen ergada dhexdooda ah, dibada ayaa loo soo saaray markii hore, korantadii ayaa goobta ka tegtay, kadib ergada gudaha ayaa lagu soo celiyay, waxaaana laga qaaday kaararkii ay wateen, iyagoo lagu armay inay baxaan” ayuu yiri goob jooge xarunta ku sugnaa oo hadalkiisa ku daray “Wiilal la socday Wasiirka dhalinyarada ayaa ergada sii marsiinayay jidka, taasi oo kooxo hubeysan ay durbadiiba xabadda ku bilaabeen Ilalada Wasiirka oo u heystay in Wasiir Nuux uu la socday, balse isagu uu gudaha hoolka ku jiray oo, sidaas ayayna wax ku dhaceen oo uu shilka ku bilowday”.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay inay xabsiga dhigaan kooxihii rasaasta bilabay.

Sida laga wada ogsoonyahay musharixiinta ayaa ka reeban in iyaga iyo Ilaaladooda ay hubka la galan goobta doorashada, waxaana shilkaasi ku dhaawacmay 3 qof oo uu ku jiro wiil uu dhalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Dhagey oo ay la socdaan, guddoomiyaha guddiga Amniga doorashooyinka ahna taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud iyo taliyaha hey’adda Nabad-sugidda, Jeneraal Cabdullaahi Maxamuud Caafoow ayaa socdaal gaaban u tegay magaalada Jowhar, kaasi oo la xiriirtay shaqaaqadii ka dhacdey magaaladaasi, xili ay socotay doorashada mudaneyaal aqalka hoose u tartameysay, kuwaasi oo kulamo gaar gaar ah la qaatay dhinacyada iyo guddiga doorashooyinka qaabilsan.

Wafdiga ayaa xalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo weli war cad ka soo saaran shilka ka dhacay Jowhar.

 

 

Previous Post

Ururka macalimiinta SONUT oo xuska maalinta macalinka Soomaaliyiyeed ku qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

RW ku-xigeenka XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle

Next Post
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda

RW ku-xigeenka XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In