Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo soo gabo gabeysay dhageysiga dacwadda raggii loo heystay dilka Wasiir Cabaas

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo soo gabo gabeysay dhageysiga dacwadda raggii loo heystay dilka Wasiir Cabaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta soo gaba gabeysay dhageysiga  eeydeymihii loo heystay Dable Xoogga Axmed C/llaahi Cabdi Ceydiid iyo Seddax alifle Cusmaan Salaad Barre oo isna ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed islamarkaana labadoodaba ilaalo u ahaa Hanta dhowrihii Guud ee Qaranka oo ku eedeysan dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska  ,balse eedeysanaha koowaad oo ah Dable Xoogga Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid ayaa si gaar ah loogu heystaa  inuu dilay Wasiirka ka dambeeyay halka eedeysanaha labaad oo ah Seddax alifle Cusmaan Salaad Barre lagu soo eedeeyay waajib gudasho la’aan oo ah arinta maxakamada dooda badan ka dhex dhalisay.

Maxkamadda oo socotay muddo ka badan seddex saacadood ayaa waxaa ku sugnaa Garsoorayaasha Maxkamadda, Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada qalabka sida abuukaatayaal ilaa sideed gaarayay oo u doodayay eedeysanayaasha iyo sidoo kale eheleda labada dhinac iyo dad weyne kale oo daawanayay, maadaamaa maxkamaddu aheyd mid furan oo dadweynuhu ay ka qeyb geli karaan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Sida lagu balansanaa fadhigii kan maanta ka horeeyay ee Maxkamadda waxaa maanta la hor keenay cadeymo isugu jira markhaatiyaal nool iyo qoraalo laga qoray eedeysanayaasha oo ay ku jiraan eeda labaad ee loo heysto eedeysanaha koowaad Dable Xoogga Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid oo ah isku day dil sida ku cadeyd eedeymiha maxkamadda lagu soo bandhigay.

Inta ay maxkamaddu socotay ayaa Hogaanka Baarista dembiyada ee Ciidanka Booliska  Soomaaliyeed qeybtooda sheybaarka waxa ay  goobta kusoo bandhigeen cadeymo isugu jira qoraalo , sawiro muujinaya xilliga dilka Wasiirka uu dhacayay goobta uu marayay inta uu u jiray irida madaxtooyada Qaranka, goobta uu dilka ka dhcay, gaariga Wasiirka iyo gaariga hanta dhowraha inta ay isku jireen masaafo ahaan, taarigada gaariga AUN Wasiirka uu watay iyo noociisa, nooca qoriga dilka Wasiirka loo adeegsaday, qeyb ka mid ah xabadii Wasiirka ku dhacday oo jirkiisa laga soo saaray iyo sidoo kale Sawir raaja ah oo Wasiirka laga qaaday markii uu geeriyoday.

Markii Hogaanka dembi baarista ay dhameystireen cadeymihii ay dhacadadaas ka hayeen ayaa qareenada u doodayay eedeysanaha koowaad waxa ay su’aalo weydiiyeen hogaanka dembi baarista ee booliska, waxayna inta badan su’aalaha ku saabsanaayeen cadeymaha ay keeeneen noocooda iyo waxa muujinaya in lagu kalsoonaan karo, sidoo kale Sawirada lasoo bandhigay in lagu qaaday kaamirooyin ay hogaanka dembi baarista wateeen iyo in kaamirooyinka sida qarsoon wax u duuba ay qaadeen ayaa wax laga weydiiyay.

Qoraalada qiraalka ah ee labada eedeysane ayaa maxkamadda laga hor akhriyay ka dib markii eedeysanaha koowaad uu  sheegay in dacwadda loo heysto qaabka loo dhigay uusan ku qanacsaneyn.

Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka xafiiska xeer ilaalinta guud ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dacwadda loo heysto eedeysanaha koowaad ay tahay mid cad isla markaana ay ka xafiis ahaan u cadahay in xabadda ku dhacday isla markaana uu u geeriyooday Wasiirkii howlaha guud ay ka dhacday qoriga uu watay Dable Xoogga Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid oo uu dilka Wasiirka isaga ka dambeeyay,wuxuuna maxkamadda ka codsaday in laga laabto dacwada loo heysto eedeysanaha labaad.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa is hor istaag ku sameeyay soo jeedinta xafiiska xeer ilaalinta, iyagoo sheegay in aysan ku qanacsaneyn oo ay dhankooda Maxkamadda ka codsanayaan in qodobka ku xusan dacwadda eedeysanaha koowaad oo uu dil ku muteysan karo loo bedelo qodobkiisa kale oo ah in uu eedeysanaha mag dhow bixiyo, maadaamaa dilka lagu eedeynayo uusan aheyn mid kas ah sida ay qareenada ku doodeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Korneyl Xasan Cali Nuur “Shuute” ayaa sheegay in maxkamadda ay go’aan ka gaari doono dacwada labada eedeysane, isla markaana ay maxkamadda xirantahay.

Dacwadda loo heysto labadan eedeysane oo heerar kala duwaan soo martay ayaa maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay, iyadoo go’aanka ugu dambeyana maxkamadda laga sugi doono.

Previous Post

Wasaaradda Amniga oo soo saartay awaamiir ku saabsan amniga mas’uuliyiinta dowladda

Next Post

Wasiirka Warfaafinta: Warbaahinta ha iska ilaaliso wararka been abuurka ah ee ka durugsan xushamadda iyo dhaqanka diblomaasiyadda

Next Post
Wasiirka Warfaafinta  Oo 20 Saxafiyiin ah tababar u soo xiray

Wasiirka Warfaafinta: Warbaahinta ha iska ilaaliso wararka been abuurka ah ee ka durugsan xushamadda iyo dhaqanka diblomaasiyadda

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In