Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku riday nin ka tirsanaa jiray Daacish

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku riday nin ka tirsanaa jiray Daacish
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdisamad Ibraahi Cumar  oo magiciisa  Afgarashadu yahay Abuu-Cali ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay kamid ahaanshiyaha Daacish oo uu ka soo tirsanaa ilaa 2016.

Cabdisamad ayaa ku dhashay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, waxuuna go’aansaday ku biirista Daacish isaga oo jooga Nairobi.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Isla xilligaas ayuu ka soo degay Boosaaso oo uu kaga sii gudbay buuraha Gal-gala, tababbarkiisii ugu horreeyay waxa uu  ku qaatay meel lagu magacaabo Il iyo Camaaro, waxa uu kamid noqday koox jabhad ah oo arbushaad ka sameyso dhulka bari ee Puntaldn, wixii intaas ka dambeeyay kooxda ayaa go’aamisay in lagu daro qaybta warbaahinta oo loo diyaariyay in uu noqdo Muuqaal Duube.

Waxa uu u sheegay hey’adaha baarista in uu ahaa Muuqaal duubihii dagaal ku dhex maray Daacish iyo Alshabaab Muraale December 2018 iyo sidoo kale Baar-Gaalle oo isna dhacay March 2019, dagaalladaasi oo tirada la wariyay ee dhimasha iyo dhaawac ee kala gaaray kooxaha Argagixisada lagu Ogaaday in ka badan 30-Maleeshiyaad ah.

28 june ayay iska soo wareejiyeen hay’adaha dambi baarista kadib baaritaana dheer oo ay ku sameeyeen Eedeysanaha, waxa ayna xilligaasi ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta si’uu u mariyo habraaca Dacwadda.

Xafiiska ayaa isla xilligaasi ka codsaday Garsoorka Ciidamada  in xabsiga-Dhexe  lagu hayo Cabdisama Gar-suge ahaan, bartamihii july ayaa loo ballamay fadhigii ugu horeeyay Eedda ka dhanka ah Cabdisamad Ibraahim Cumar.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la wadaagay taariikhda sida uu ugu biiray Daacisho Eedeysanaha iyo Raggii kale ee fikirkan ay ka soo wada Xambaareen Nairobi, waxa ay Xeer Ilaalinta sheegtay in saaxiibbadiisa ay dagaallo u aadeen Liibiya ayna ku dhinteen halka labo kale oo isna ay wada joogeen ay ku dhinteen dagaal ay la galeen Ciidamada PSF-ta Puntalnd ee loogu tala galay la dagaalnka Argagixisada, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ay la wadaageen Garsoorka dhaawac muujinta Eedeysanaha oo ku dhaawacmay dagaalladii ay la galeen Ciidamada Puntland.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka Codsaday in lagu xukumo ciqaab adag maadaama Daacish ay Eedeysanaha u soo wakiilatay Qal-qal gelinta Amniga Muqdisho balse ay Ciidamada Amniga qabteen isaga oo ka soo degayo Garoonka Aadan-Cadde.

Qareenada u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto eedeysanaha Maadaama  uu ahaa Muuqaal Duube kaliya.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu xukumay Cabdisamad Ibraahim Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan 30-cisho gudaheed.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Next Post

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hay’adda UNICEF “SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hay’adda UNICEF “SAWIRRO”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hay’adda UNICEF "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In