Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Askar ka tirsan Ciidanka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Askar ka tirsan Ciidanka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday askartii ka dambeysay weerarkii dhawaan ka dhacay Isgooska Siinaay ee magaalada Muqdisho,kaa oo 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan halkaa oo lagula beegsaday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud fargax, iyo askar ilaala u aheyd.

Weerarkaas, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray, askar kamid aheyd ilaalada Guddoomiyaha degmada yaaqshiid oo isna uu dhaawac ka soo gaaray iyo dad Shacab ah oo Isgoyska ku sugnaa.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Askariga Koowaad oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, isaga oo loo heysto in uu Qoray dhashiiko ah ku dilay lix Ruux oo ay kamid ahaayeen Ilhaan Cabdijamaal Maki oo aheyd Hooyo Uur laba Bilood leh, Cabdillaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa Darawal Gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo ahaa darawaliinta ku Shaqeysta Mooto Bajaaj.

Axmed Mire Cismaan fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo katirsanaa Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshii, waxaana  lagu xukumay dil toogasho ah.

Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale min Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, Handadaad, Ammar diido Ciidan iyo inay u dhaqmeen sida Maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale siideysay Axmed Cali Axmed Maxamuud ( Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo u Ambabaxay dalka Masar 

Next Post

La-taliyaha Madaxweynaha ee xakameenta hubka oo boggaadisay la dagaalanka hubka sharci darrada ah

Next Post
La-taliyaha Madaxweynaha ee xakameenta hubka oo boggaadisay la dagaalanka hubka sharci darrada ah

La-taliyaha Madaxweynaha ee xakameenta hubka oo boggaadisay la dagaalanka hubka sharci darrada ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In