Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo soo gabagabeysay dhageysiga Dacwadda Eedeysane Cali Maxamuud Axmed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo soo gabagabeysay dhageysiga Dacwadda Eedeysane Cali Maxamuud Axmed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga eed ka dhan ah dable Booliis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan Isgoyska Tarabuunka ku dilay Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade Mooto bajaaj uuna dhaawacay muwaadin kale,falkan oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Maxkamadda ayaa dhageysatay marqaatiyaal ay shaqo wadaag ahaayeen eedeysanaha iyo baarihii Kiiska si isku mid ah ayaana loo dhaariyay,waxaana dhammaan dhinacyada dacwadda ay weydiiyeen su’aalo habraaca sharciga ee ay tilmaamayaan.

Muumin Cabdullaahi Xuseen ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida ayaa tilmaamay in eedeysanaha uu kulmiyay dhammaan astaamaha tilmaamaya dil ku talagal ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda oo qaadatay saacado badan.

“Dhageysiga la xiriira gar maqalka eedeysane Cali Maxamuud Axmed intaas ayuu ku dhammeystiran yahay,Maxkamadana ayaanna go’aan ka soo saari doonta,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda oo Maanta lashiray Shaqalahaa W/Warfaafinta Soomaaliya

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay labo heshiis oo muhiim ah

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay labo heshiis oo muhiim ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay labo heshiis oo muhiim ah

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In