Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday sarkaal Danab ahaa oo loo haystay falal Argagixisanimo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda CQS oo xukun ku riday sarkaal Danab ahaa oo loo haystay falal Argagixisanimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday, Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge kaas oo loo soo xiray ka mid ahaanshaha Khawaarijta Al-shabaab iyo Jaajuusidda Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horrimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo Maleeshiyada, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

Related posts

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku Shahiiday Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuurre), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha saxiibada Danab (Drones), dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.

Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud ka dib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey.

Sidoo kale waxa uu sahmiyay Saldhigyada ciidan ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.

Mucaawiye waxa uu adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (Saaxibada Danab Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial Danab), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), Meeshii hore (Howlgalkii hore) iyo ereyo kale.

Waxa loo adeegsaday soo iibinta Drone, Ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suura gelin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishaan, iyagoo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka, sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Dalalka Turkiga iyo kuwa kale

Next Post

Hay’adda Tayo-dhowrka oo booliska ku wareejisay Kunteenaro raashin dhacay oo ay gacanta ku hayeen

Next Post
Hay’adda Tayo-dhowrka oo booliska ku wareejisay Kunteenaro raashin dhacay oo ay gacanta ku hayeen

Hay’adda Tayo-dhowrka oo booliska ku wareejisay Kunteenaro raashin dhacay oo ay gacanta ku hayeen

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In