Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda dajarada kowaad ee CQS oo xukunno dil iyo xarig ku ridday Shabaab “Dhageyso+Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda dajarada kowaad ee CQS oo xukunno dil iyo xarig ku ridday Shabaab “Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil iyo xarig ah ku ridday maleeshiyaad ka tirsan Kooxda UGUS, kaddib markii ay maanta dacwadooda dhageysatay.

Maxkamadda oo u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo haystay afar eedeysane oo xeer ilaalintu ku eedeysay inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee magaalada ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiqani Bashiir Axmed, Axmednuur Maxamed, Maxamed Bootaan Shidane iyo Yuusuf Maxamed Fiidow.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiramaan Aadan oo ah kaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Maalintii bishu aheyd 22.4.2015 ay Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo kala heystay eedeesanayaashan.

Cabdiqani Bashiir Axmed iyo Axmednuur Maxamed waxa ay xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda UGUS, isla markaan ay dil barer ah u geysteen marxuum Guuleed Maalin Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, iyadoo maanta lagu xakumay dil toogasho ah sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiramaan Aadan.

“Gacan ku dhiigle Shabaab Cabdiqani Bashiir Axmed iyo gacan ku dhiigle Shabaab Axmednuur Maxamed waxa ay maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah, kaddib markii ay ku cadaatay falkii dilka ah ee ay u geysteen marxuum Guuleed Maalin Maxamed” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiramaan.

Maxamed Bootaan Shidane waxa ay maxkamadda ku xakuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, waxayna dowladda la wareegtay 3-qori AK47 iyo hal qori oo RPG ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay.

Yuusuf Maxamed Fiidow oo ka mid ahaa afartii ay maanta maxkamadda la horgeeyay ayaa waxa ay amartay in lagu sameeyo dhaqan celin, maadaama ay ku cadaatay in uu xubin ka ahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

cod maxkamada ciidamada qalabka sida

vlcsnap-2015-04-25-12h56m31s194 vlcsnap-2015-04-25-12h56m43s105 vlcsnap-2015-04-25-12h56m52s218 vlcsnap-2015-04-25-12h57m05s95 vlcsnap-2015-04-25-12h57m28s66 vlcsnap-2015-04-25-12h57m35s137 vlcsnap-2015-04-25-12h58m31s184 vlcsnap-2015-04-25-12h58m52s138 vlcsnap-2015-04-25-12h58m58s202

Previous Post

Waxgaradka ka qayb galaya shirka Cadaado oo soo dhaweeyay Hanaanka shirku ku socdo

Next Post

R.W Cumar oo ka warbixiyey arrimaha qaxootiga iyo xawaaladaha xayiraada lagu soo rogay “SAWIRRO”

Next Post
R.W Cumar oo ka warbixiyey arrimaha qaxootiga iyo xawaaladaha xayiraada lagu soo rogay “SAWIRRO”

R.W Cumar oo ka warbixiyey arrimaha qaxootiga iyo xawaaladaha xayiraada lagu soo rogay “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In