Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda dajarada kowaad ee CQS oo xukunno dil iyo xarig ku ridday Shabaab “Dhageyso+Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda dajarada kowaad ee CQS oo xukunno dil iyo xarig ku ridday Shabaab “Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil iyo xarig ah ku ridday maleeshiyaad ka tirsan Kooxda UGUS, kaddib markii ay maanta dacwadooda dhageysatay.

Maxkamadda oo u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo haystay afar eedeysane oo xeer ilaalintu ku eedeysay inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee magaalada ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiqani Bashiir Axmed, Axmednuur Maxamed, Maxamed Bootaan Shidane iyo Yuusuf Maxamed Fiidow.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiramaan Aadan oo ah kaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Maalintii bishu aheyd 22.4.2015 ay Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo kala heystay eedeesanayaashan.

Cabdiqani Bashiir Axmed iyo Axmednuur Maxamed waxa ay xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda UGUS, isla markaan ay dil barer ah u geysteen marxuum Guuleed Maalin Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, iyadoo maanta lagu xakumay dil toogasho ah sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiramaan Aadan.

“Gacan ku dhiigle Shabaab Cabdiqani Bashiir Axmed iyo gacan ku dhiigle Shabaab Axmednuur Maxamed waxa ay maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah, kaddib markii ay ku cadaatay falkii dilka ah ee ay u geysteen marxuum Guuleed Maalin Maxamed” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiramaan.

Maxamed Bootaan Shidane waxa ay maxkamadda ku xakuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, waxayna dowladda la wareegtay 3-qori AK47 iyo hal qori oo RPG ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay.

Yuusuf Maxamed Fiidow oo ka mid ahaa afartii ay maanta maxkamadda la horgeeyay ayaa waxa ay amartay in lagu sameeyo dhaqan celin, maadaama ay ku cadaatay in uu xubin ka ahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

cod maxkamada ciidamada qalabka sida

vlcsnap-2015-04-25-12h56m31s194 vlcsnap-2015-04-25-12h56m43s105 vlcsnap-2015-04-25-12h56m52s218 vlcsnap-2015-04-25-12h57m05s95 vlcsnap-2015-04-25-12h57m28s66 vlcsnap-2015-04-25-12h57m35s137 vlcsnap-2015-04-25-12h58m31s184 vlcsnap-2015-04-25-12h58m52s138 vlcsnap-2015-04-25-12h58m58s202

Previous Post

Waxgaradka ka qayb galaya shirka Cadaado oo soo dhaweeyay Hanaanka shirku ku socdo

Next Post

R.W Cumar oo ka warbixiyey arrimaha qaxootiga iyo xawaaladaha xayiraada lagu soo rogay “SAWIRRO”

Next Post
R.W Cumar oo ka warbixiyey arrimaha qaxootiga iyo xawaaladaha xayiraada lagu soo rogay “SAWIRRO”

R.W Cumar oo ka warbixiyey arrimaha qaxootiga iyo xawaaladaha xayiraada lagu soo rogay “SAWIRRO”

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In