Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda sare ee ciidamada oo xukun ku riday askar ka tirsan ciidanka xoogga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Maxkamadda sare ee ciidamada oo xukun ku riday askar ka tirsan ciidanka xoogga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil iyo xabsi ciidan ku riday askar ka tirsan ciidanka, kadib markii maanta la horgeeyay racfaan ay ka qaateen Maxkamadda darajada Koowaad oo horey xukunno kala duwan ku riday.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida:-

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Markay aragtay: Racfaanka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qabka sida ee lana xiriirta, 1. Dable Xoogga Cabdullaahi Foox foox oo maqane ah, 2. Xidigle xoogga Axmed Biyoole Xasan 35 jir ah, Ina Aamino Maxamed, ku dhashay Shabeelaha Dhexe,

Markay aragtay: Qodobka 434aad xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, qodobka 19aad xeerka Ciqaabta ciidamada iyo qodobka 306 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed,

Markay aragtay: Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Nambarkiisu yahay, LR/MCQS719, 2015, taariikhdiisuna tahay 21.03.2015, kuna xakuntay xukunsanayaasha kala ah 1.Dable Xoogga Cabdullaahi Cali Foox Foox oo maqane ah 50 halaad oo geel ah, ahna diyadii Marxuumad Aamino Cabdullaahi Siyaad, 2. Xidigle Axmed Biyoole Xasan in xabsiga laga sii daayo.

Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarrow Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa intaasi kaddib ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda sare ee ciidamada, waxaana uu yiri “Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxa ay baabi’isay xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida horey ugu xakuntay dable Cabdullaahi Cali Foox foox oo maqane ah, waxayna Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay dil toogasho ah, ahna qisaastii Marxuumad Aamino Cabdullaahi Siyaad, 2. Xidigle xoogga Axmed Biyoole Xasan 35 jir ah, Ina Aamino Maxamed, ku dhashay Shabeelaha Dhexe, la soo xiray 27/12/2014, waxayna maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah, oo ah fakintii uu fakiyay xukunsane Dable Xoogga Cabdulaahi Cali Foox foox”.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Cabdulaahi Xasan Cadaan ku xakuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii Marxuum Ex-dable Xoogga Rajab Cabdullaahi Maxamed oo uu horey u dilay, waxaana taliyaha Xabsiga dhexe la faray in xabsiga ku sii hayo xukunsanayaasha sare ku xusan

Halkan ka dhageyso Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada oo ku dhawaaqaya xukunka.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/04/COD-GUDAAMIYAHA-MAXKAMADDA-SARE-EE-CIIDAMADA-QALABKA-SIDA-GSARE-LIIBAAN-CALI-YAROW.mp3

vlcsnap-2015-04-20-08h33m00s86 vlcsnap-2015-04-20-08h33m03s115 vlcsnap-2015-04-20-08h33m07s156 vlcsnap-2015-04-20-08h33m13s215 vlcsnap-2015-04-20-08h33m23s55 vlcsnap-2015-04-20-08h33m31s140 vlcsnap-2015-04-20-08h33m38s209 vlcsnap-2015-04-20-08h33m50s72 vlcsnap-2015-04-20-08h34m02s188

 

Sawir Qaade:- Maxamed Ibraahim Raage (Honest)

 

 

Previous Post

Ciidamada amniga oo baadi goobaya rag dil Dhuusamareeb ugu geystay askar ka tirsan ciidanka

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay Nabadoon lagu caleemo saaray Muqdisho

Next Post
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay Nabadoon lagu caleemo saaray Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In