Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Md. Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kumannaan Shacab ah Salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Maalinta Calanku ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya maaddaama oo ay ku beegan tahay markii la taagay Calankii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo xor ah sannadkii 1954.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 65 sanno ka hor la taagay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo gashay sidii ay xornimadeeda u hanan lahayd, calan xor ahna u yeellan lahayd.”

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay ula soo noqon lahaayeen dowladnimadii, sharafkii iyo qabkii Soomaaliyeed ugana bixi lahaayeen qoqobka iyo qabyaaladda, isla markaana ula dagaallami lahaayeen argagixisada u oomman daadinta dhiiggooda.

“Munaasabaddan qiimaha leh darteed, waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dhexda u xirtaan dib u dhiska dalka iyo dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya si calankeennu mar labaad u noqdo mid ka dhex sharfan adduunweynaha.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay sidii waddanka looga hirgelin lahaa nidaam dowladnimo oo ay ku soo hirtaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo in la soo celiyo sharafkii uu calankeennu lahaa.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Wasaaradda Gargaarka XFS oo maanta deeq gaarsiisay Cisbitaalka dhimirka Xabeeb

Next Post
Wasaaradda Gargaarka XFS oo maanta deeq gaarsiisay Cisbitaalka dhimirka Xabeeb

Wasaaradda Gargaarka XFS oo maanta deeq gaarsiisay Cisbitaalka dhimirka Xabeeb

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In