Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Meydka Abwaan Singub oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Jig-jiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Meydka Abwaan Singub oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Jig-jiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Aas Qaran loogu sameyay Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub”

Kadib markii aay soo caga dhigatay diyaaradii siday meydka Abwaan Singub islamarkana aay la socodeen Wafdi uu Hoggaminaya Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Wiil-Waal ee Magaalada jigjiga uga hortagay masuul uu horkacayay Madaxweynaha Dowlad deeganka Soomaalida Mustafa Maxamuud Cumar (Cagjar) iyo masuuliyiin kale oo ka socoday Dowladaha Jabuuti iyo Keyna.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Aaska Abwaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay kumanaan kun oo isugu jira Mas’uuliyiin dawladeed Abwaano, Fanaaniin, Ugaasyo, Odayaal dhaqameedyo, Culmo udiin iyo shacab kale oo dhammaantood ka kala yimid Dalalka dariska.

Dadkii kasoo qayb galay Aaska ayaa goobta ka jeediyay taariikhda Abwaanka uu kulahaa gayigga Soomaaliya, waaxana sidoo kale goobta aaska ku sugnaa eheladii Abwaan Singub.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo goobta ka hadlay ayaa tacsi u diray Qarabadii, Ehelkii iyo Umaddii Soomaaliyeed uu ka baxay Abwaanka, Wasiirka ayaa sido kale cadeyay in Dowladda Soomaaliya eey codsatay in aay aas qaran u sameyso abwaanka balse qaraabada Marxuumka ay doorteen in jigjiga lagu aaso Madamada jigigba tahay Dul Soomaaliyeed.

Gabagabadii Madaxweyna Dowlad deeganka Soomaalida Mustafa Maxamuud Cumar “Cagjar”ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu tacsidayay geeri abwaan singub, sido kale Madaxweyne Mustafe ayaa Mahadcelin balaaran ujeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muhiimad gooni siiyay in la qabto aaska Abwaan Singub.

Aaska ka dib waxaa halkaas loogu duceeyay Marxuumka waxaana Alle looga baryay in uu janadii firdowsa geeyo Samir iyo iimaana Alle ka siiyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed uu Abwaanka ka baxay.

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Mas’uuliyiin ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug

Next Post
War-Saxafadeed laga soo saaray Wadahadallada Nabadeed ee ka socda Gaalkacyo+Akhriso

Mas'uuliyiin ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In