Midowga Afrika ayaa abaalmarinta ASO Award oo la xiriirta ilaalinta arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada guddoonsiiyay Wasiirka deegaanka iyo isbadalka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, munaasabaddaas oo ay kasoo qayb galeen hay’ado caalami ah iyo qaar kamid ah dalalka Afrika iyo kuwa caalamka, munaasabaddan ayaa ka qabsoontay xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa.
Abaalmarintan waxaa Wasiir Khadiija kula tartamay sideed xubnood oo masuuliyiin ka ah qaar kamid ah dalalka Afrika, waxaana si rasmi ah ugu guulaysatay Wasiir Khadija, iyadoo dhamaan hay’adihii iyo madaxdii ka qayb galay ay Wasiir Khadiija ku amaaneen dedaalkii ay muujisay mudadii ay koobnayd ee ay Soomaaliya u qaabilsanayd Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
Wasiirka Deegaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Makhzoumi ayaa u mahadcelisay dhammaan hay’adihii kulanka kasoo qeyb galay, waxayna si rasmi ah u ballan qaaday in ay sii xoojinayso dadaalkeeda la xiriira ilaalinta deegaanka iyo la socoshada isbedelka cimilada Soomaaliya, Africa iyo adduunka intiisa kale, si looga hortago dhibaatooyinka ka dhasha isbedelka cimilada.