Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Afrika oo taageeray in dib loogu noqdo heshiiskii 17 sebtember

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Midowga Afrika oo taageeray in dib loogu noqdo heshiiskii 17 sebtember
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War saxaafadeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu soo dhoweeyay go’aankii golaha shacabka shalay soo saareen.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa sheegay in uu soo dhoweeynayo go’aankii golaha shacabka dalka ugu celiyeen heshiiskii doorashada 17 September ka dib codsigii madaxweyne Farmajo u jeediyay golaha.
Waxaa amaanay madaxweynaha Soomaaliya si danta qaranka ugu hormariyay midda gaarka ah sidoo kale waxaa uu soo dhoweeyay in Ra’isul wasaare Rooble oo hogaamiyo doorasho ku dhacdo hanaan nabad geliyo isla markaana loo dhan yahay laguna kalsoon yahay.
Mousa Faki Mahamat, ayaa u mahad celiyay dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka sida ay u qadariyeen baaqii golaha amniga iyo nabadda Midowga Afrika kaas oo ahaa in lagu laabto heshiiskii 17 September maadaama dhammaan dhinacyada siyaasadda wada taageereen.
Ugu dambeyn guddoomiyaha waxaa ku celiyay mar kale sida Midowga Afrika ay ugu go’an tahay sii wadista taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo adkeeyay in wada xaajoodka iyo waan waanta la sii wado si gaaro heshiis.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in ergayga sare ee Midowga Afrika dhowaan la soo magacaabi doono kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha siyaasadda Soomaaliya

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
Previous Post

The Chairperson of the African Union Commission welcomes the reinstatement of the 17 September Agreement as the basis for Somali Elections.

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ugu yeeray madaxda Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Next Post
Ra’iisul wasaaraha XFS oo maanta booqosho ku tagay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ugu yeeray madaxda Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In