Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Dalka Kenya oo kulan la qaatay Arday iyo hay’adaha sama-falka ee ka howl-gala Xeryaha Dhadhaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Dalka Kenya oo kulan la qaatay Arday iyo hay’adaha sama-falka ee ka howl-gala Xeryaha Dhadhaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubno ka socda Midowga Ardayda Soomiliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa kulan kula qaatay Xeryaha Xaqootiga ee Dhadhaab qaar ka mid ah hay’adaha halkaasi ka howl-gala.

 

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ardaydan oo booqasho ugu tagay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa madaxda hay’adaha gaar ahaan kuwa qaabbilsan wax barashada kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada ay Samafalayaasha iyo QM ka helaan Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Xeryaha Dhadhaab.

Booqashada Ardayda ayaa ahayd mid ay ugu kuur galayaan heerka ay gaarsiisan tahay wax barashada Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan, iyagoo soo Indha-indheeyay dhammaan Dugsiyada sare ee kuyaala Xeryaha Dhadhaab sida Ifo, Dhagaxlay iyo Xagar-dheer.

Ardayda Jaamacadaha ayaa Walaalahood kale ee wax ka barta Dhadhaab waxay siiyeen wacyigalin ku saabsan waxbarashada sida Ardayda heerka Dugsiga sare ee galaya Jaamcadaha inay hadda kafiirsadaan takhasuskooda, waxanay ku dhiirri geliyeen inay xoogga saaraan hamigooda waxbarasho.

Waxay sidoo kale ku boorriyeen inay u Dhabar adaygaan waxbarashada si ay Dalkooda iyo Naftooda u anfacaan, una adkaystaan marxaladdan Qaxootinimo, iyagoo ugu Taariikeeyay inay laftooda halkan wax kusoo barteen una adkaysteen.

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Kenya, Xuseen Baarruud Gaax-nuug iyo xubnaha ku wehliya socdaalka ayaa u mahad celiyay Ergeyga gaarka ee hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR, u qaabbilsan Soomaaliya,  Amb; Maxamed Cabdi Afeey, oo Gacan buuxda ka geystay socdaalka Ardaydu ay ku tageen Xeryaha Dhadhaab.

Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalkan Kenya ayaa ugu dambayn baaq u jeediyay madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya, iyagoo ka codsaday in la taageero waxbarashada Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, si joogta ahna ay ugu war hayaan, qaybna laga siiyo deeqaha waxbarasho ee ay Dowladdu hesho.

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab xiligan waxaa ku nool ku dhawaad 210,000 oo Qaxooti ah , kuwaasoo 90% ah Soomaali, halkaasoo ay inta badan Ardayda wax baratana yihiin  Soomaali.

Axmed-nuur Maxamed Cabdullahi (Yogol)

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab  Kenya

Previous Post

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Next Post

AFRICOM “Waxaan howlgal ku dilnay xubno ka tirsan Al-Shabaab”

Next Post
Horjoogayaal ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay duqeyn

AFRICOM "Waxaan howlgal ku dilnay xubno ka tirsan Al-Shabaab”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In