Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta oo cafiyay deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta oo cafiyay deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, Mudane Cabdulraxiim Suleymaan, ayaa shaaca ka qaaday in Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed laga cafiyay dhammaan deymihii hore ee Ururka.

deyn cafintaan ayaa timid kadib shirkii 42-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Carabta, kaas oo shalay laga soo saaray go’aan la xiriira cafiska deymaha lagu leeyahay Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka wafdiga Soomaaliya ee shirarka Golaha Guud ee Warbaahinta Ururka Midowga Carabta oo ka dhacay Magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Wafdiga shirkaas ku metelayey Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Sharmaake Maxamed Warsame.

Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta Cabdulraxiim Suleymaan ayaa ku nuux-nuux saday sida ay Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabtu u jecel yihiin in Soomaaliya ay xubin firfircoon ka noqoto howlaha Ururka.

Sidoo kale Agaasimaha carrabka ku adkeeyay in ururku uu mar walba isku dayo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan leh.

Waxa uu tilmaamay in midawgu uu Soomaaliya ka rajeynayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Ururka Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, si loo horumariyo xirfadda iyo tayada xirfadlayaasha Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Wasiiru dowalaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo shir kaga qeyb galaya Abu Dhabai

Next Post
Wasiiru dowalaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo shir kaga qeyb galaya Abu Dhabai

Wasiiru dowalaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo shir kaga qeyb galaya Abu Dhabai

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In