Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dowlad goboleedka Galmudug oo hambalyo u dirtay Ra’iisul Wasaaraha cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Arbaco, March 1, 2017,—-Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka 10-naad, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka, isaga oo ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida, si uu u soo dhiso xukuumad u adeegta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in xukuumadiisu aysan wax dul qaad ah u yeelan doonin falalka la xariira Musuq maasuqa iyo wax is daba marinta, waxana uu yiri.

“Waxaan ballanqaadi doonaa in qofkii lagu helo falal musuqmaasuq ah laga qaadi dooono tallaabo sharci ah, mana jiri doono shakhsi sharciga ka sarreeya, taasna waxaad ka arki doontaan in dhammaan Ummaddu u sinnaan doonto sharciga hortiisa, iyadoon cidna looga haybaysanayn xilka iyo mansabka dawladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo”.

Ra’iisal Wasaaraha oo ku guda jira khudbadiisa uu u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mar kale yiri.
“Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.

“Waxaa hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay gashay rajo wanaagsan oo keentay inay si buuxda u taageeraan Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Sidaas daraadeed, waa inaan rajada shacabka ka dhabeynaa, oo aan tusinaa waxqabad dhab ah oo ay isku haleyn karaan, si loo hanto kalsooninda ay shacabku u hayaan dawladdadooda”.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha ciidamada iyo xaquuqdooda ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu muhiimad aad u weyn siin doonto daryeelka ciidamada kala duwan, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

“Waaxaan fursaddaan qaaliga ah uga faaiidaysanayaa inaan si gaar ah ugu mahad celiyo Ciiddamada Amaanka oo har iyo habeen u taagan difaaca dalka iyo dadka, iyadoo aan qirayo in ay si nafti-huranimo ah ugu dhabar-adeegeen xaalado adag oo aysan naga mudnayn. Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo inaan geed dheer iyo mid gaaab u fuulo doono sidii ciidamada qaranku ay xuquuqdooda ugu heli lahayeen si joogto ah, waajibaadkoodana u gutaan si gobannimo leh”.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ee ka jira dalka ayaa yiri sidan.

“Sidaad la socotaan, waxaa dalka ka jira abaaro ba’an oo soo jiitamayay in muddo ah, kuwaas oo saameeyay malaayiin qoysas Soomaaliyeed. Waxay halis ku yihiin jiritaanka nolosha iyo duunyada. Waajib balaaran ayaa ka saaran Xukuumadda iyo shacabka in ay si wadajir ah wax uga qabtaan. Waxaan sii xoojinayaa iskaashi ka dhexeeyo, Xukuumadda, Guddiyada Abaaraha, hey’adaha samafalka iyo dalalka aan saaxiibada nahay si gurmad degdeg ah loogu fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

“Si loo yareeyo waxyeellada iyo saameynta abaaraha, Xukuumaddu waxay la imaan doontaa qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto abaaraha soo laalaabtay” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad u jeedinayay Golaha Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa xildhibaanada u xaqiijiyay inuu si dhaqso leh u soo dhisi doono xukuumad tayo leh, uuna wadatashi dhinac kastaba leh la wadaagi doono qeybaha ay khuseyso, si loo helo xukuumada ku fadhida matilaad buuxda iyo kalsoonida shacabka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada codka kalsoonida buuxda leh ee ay siiyeen, waxa uuna yiri.

“Waxaad igu aaminteen xil iyo masuuliyad qaali ah, oo u baahan hufnaan, karti iyo daacidnimo, waxaana hortiina ka ballan qaadayaa wada-shaqayn dhow iyo wada-tashi joogta ah, si aan dhammaanteen habsami ugu gudanno waajibaadka na saaran, una xaqiijino waxqabadka Shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyo”.

Previous Post

Madaxweynaha dalka oo baarlamaanka uga mahadceliyay ansixinta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya "SAWIRRO"

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In