Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dowlad goboleedka Galmudug oo hambalyo u dirtay Ra’iisul Wasaaraha cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Arbaco, March 1, 2017,—-Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka 10-naad, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka, isaga oo ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida, si uu u soo dhiso xukuumad u adeegta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in xukuumadiisu aysan wax dul qaad ah u yeelan doonin falalka la xariira Musuq maasuqa iyo wax is daba marinta, waxana uu yiri.

“Waxaan ballanqaadi doonaa in qofkii lagu helo falal musuqmaasuq ah laga qaadi dooono tallaabo sharci ah, mana jiri doono shakhsi sharciga ka sarreeya, taasna waxaad ka arki doontaan in dhammaan Ummaddu u sinnaan doonto sharciga hortiisa, iyadoon cidna looga haybaysanayn xilka iyo mansabka dawladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo”.

Ra’iisal Wasaaraha oo ku guda jira khudbadiisa uu u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mar kale yiri.
“Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.

“Waxaa hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay gashay rajo wanaagsan oo keentay inay si buuxda u taageeraan Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Sidaas daraadeed, waa inaan rajada shacabka ka dhabeynaa, oo aan tusinaa waxqabad dhab ah oo ay isku haleyn karaan, si loo hanto kalsooninda ay shacabku u hayaan dawladdadooda”.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha ciidamada iyo xaquuqdooda ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu muhiimad aad u weyn siin doonto daryeelka ciidamada kala duwan, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

“Waaxaan fursaddaan qaaliga ah uga faaiidaysanayaa inaan si gaar ah ugu mahad celiyo Ciiddamada Amaanka oo har iyo habeen u taagan difaaca dalka iyo dadka, iyadoo aan qirayo in ay si nafti-huranimo ah ugu dhabar-adeegeen xaalado adag oo aysan naga mudnayn. Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo inaan geed dheer iyo mid gaaab u fuulo doono sidii ciidamada qaranku ay xuquuqdooda ugu heli lahayeen si joogto ah, waajibaadkoodana u gutaan si gobannimo leh”.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ee ka jira dalka ayaa yiri sidan.

“Sidaad la socotaan, waxaa dalka ka jira abaaro ba’an oo soo jiitamayay in muddo ah, kuwaas oo saameeyay malaayiin qoysas Soomaaliyeed. Waxay halis ku yihiin jiritaanka nolosha iyo duunyada. Waajib balaaran ayaa ka saaran Xukuumadda iyo shacabka in ay si wadajir ah wax uga qabtaan. Waxaan sii xoojinayaa iskaashi ka dhexeeyo, Xukuumadda, Guddiyada Abaaraha, hey’adaha samafalka iyo dalalka aan saaxiibada nahay si gurmad degdeg ah loogu fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

“Si loo yareeyo waxyeellada iyo saameynta abaaraha, Xukuumaddu waxay la imaan doontaa qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto abaaraha soo laalaabtay” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad u jeedinayay Golaha Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa xildhibaanada u xaqiijiyay inuu si dhaqso leh u soo dhisi doono xukuumad tayo leh, uuna wadatashi dhinac kastaba leh la wadaagi doono qeybaha ay khuseyso, si loo helo xukuumada ku fadhida matilaad buuxda iyo kalsoonida shacabka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada codka kalsoonida buuxda leh ee ay siiyeen, waxa uuna yiri.

“Waxaad igu aaminteen xil iyo masuuliyad qaali ah, oo u baahan hufnaan, karti iyo daacidnimo, waxaana hortiina ka ballan qaadayaa wada-shaqayn dhow iyo wada-tashi joogta ah, si aan dhammaanteen habsami ugu gudanno waajibaadka na saaran, una xaqiijino waxqabadka Shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyo”.

Previous Post

Madaxweynaha dalka oo baarlamaanka uga mahadceliyay ansixinta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In