Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa Madaxweynaha Dalka u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Dalka.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul”. Ayuu yiri Mudane Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa la horgeyn doonaa Golaha Baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida.