Ujeedka munaasabadan ayaa aheyd seddax qodob , oo kala ah daah-furka mashruuca dalkaaga ku dhiso 1$ AMA 22 oo shilinka Soomaaliga ah, Casha sharaf loo sameeyayΒ qurba Joogta Soomaaliyed ee Dalkooda hooyo dib ugu soo laabatay iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaliyed oo laba gaadid dab damis ah iyo 1 Booyad oo biyaha xambaarta ku wareejisay Dowlada Hoose ee Xamar waxaana Munaasabada kaso qeyb galay Madaxweyna Jamhuuriyada Fedraalka soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro Xilibaanno, Taliyeyaasha laamaha amniga Qaranka iyo sidoo kale ururada Bulshada Rayidka.
Qaar kamid ah ka qeyb galayaashaΒ munaasabaddaΒ oo halkaasi ka hadlay waxey taageeren mashruuca dalkaaga kudhiso 1 doolar, iyagoo sheegay iney door ka qaadan doonan dib udhiska dalkooda.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale waxa uu goobta ka sheegayΒ in mashruucan uu yahay kan ugu sahlan uguna waxtarka badan, isla markana lagu horumari karo Caasimadda dalka.
Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa 150kun oo Dowlarka Mareykanka ah ku wareejiyay Guddiga dhismaha wadada Buula xubeey ee magaalada Muqdisho, waxaana lacagtaasi lagu wareejiyay maamulka Degmada iyo guddiga dhismaha waddada ay qeyb ka tahay lacagta laga helay dalkaaga hal doolar 1$ kudhiso,
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Sareya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dhankiisa soo dhaweeyay in Dowladda Soomaaliya ay ammaanka magaalada Muqdisho ku wareejisay Maamulka Gobalka Banaadir.
Wasiirka Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo FederaalkaΒ Mudane C/rashiid Maxamed Xidig ayaa ugu baaqay Warbaahinta Soomaaliyed in xiligaan ay u jiheystaan baahinta horumarka dalka ka socda si bulshada ay u aragto waxtarka dalkooda.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay Muraayadda dalka iyo dadka Soomaaliyed,Β loona baahanyahay in laga qeyb qaato horumarinteeda sidoo kale waxuu Wasiirku balan qaaday in maalin kasteΒ isaga iyo qoyskiisu ay bixin doonan 1doolar si dalka loo dhiso.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka SoomaaliyaΒ Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi qudbad ka jeediyay ayaa aad uga hadlay arrimaha amniga, waxa uu Madaxweynuhu sheegayΒ in haatan ay ciidamada qalabka sida ee SoomaliyaΒ ay duulan ku yihiin fariisamaha ay maleeshida Al-shabaab ku lee yihiin dalka, isagoo ka dalbadayΒ bulshada ineyΒ gacan siiyan Ciidamada qalabsida si loo ciribtiro argagixisada.
Sidoo kale Madaxweynaha oo amniga ka hadlay waxaΒ uu ku baaqayΒ in aan la damiinanin ama aan laga daba tagin dadka lagu tuhmayo argagixisada oo kujira gacanta laamaha amniga, si loo kala caddeeyo eedeymaha loo heysto.
Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda dhaxe ay ku talaabsatay Horumar badan oo haatan ka muuqdo dalka sida siyaasadda amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.



































