Munaasabadan oo lagu maamuusayay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-November ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare,Xubno ka socda Golaha Shacabka, Aqoonyahano, Macalimiin iyo marti sharaf kale.
Mudadii ay socotay munaasabadda waxaa siweyn looga hadlay doorka Macalimiinta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka bulshada iyo kaalinta dowladda Soomaaliya ee kaga aadan dhiiragelinta Macalimiinta.
Gudddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Jowhar ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda in ay ka shaqeeyaan sidii loo dhiragelin lahaa Macalimiinta Soomaaliyeed,si loo helo waxbarasho tayeysan.
C/Raxmaan Maxamed Jaabiri wasiiru dowlaha waxbarashada ahna kusimaha Wasiirka ayaa balanqaaday in Wasaaraddu ay ka shaqeyn doonto sidii loo soo nooleyn lahaa doorkii Macalimiinta Soomaaliyeed ay lahaayeen.
Mcalimiinta Soomaaliyeed ayaa kaalin muuqata waxay ku leeyihiin horumarka bulshada,iyo marxaladihii loo soo maray qorista iyo horumarinta afka hooyo ee Soomaaliga.