Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo xerayay Kalfadhiga Labaad ee Aqalka sare oo Muqdisho lagu qabtay

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo xerayay Kalfadhiga Labaad ee Aqalka sare oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Munaasabad lagu soo xerayay kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa Munaasabada kasoo jeediyay Warbixin uu kaga hadlayo waxybaabihii u qabsoomay Kalfadhigii Labaad isagoona sheegay in ay qabteen howlo aad iyo aad u fara-badan, lagama maarmaanna u ah dowladnimada kor-joogteynta, xeer-dejinta iyo matalaadda, isaga oo hiigsanaya guddiyadiisa kuwaas oo mar walba horkeenayey fadhiga guud ee golaha si goโ€™aan looga gaaro, howlahaasi waxaa ka mid ahaa: hindise sharciyeedyo dhowr ah kuwaas oo goluhu si taxadar leh uga baaraan-dagay iyada oo lagu sad goynayey danaha guud ee qaranka isaga oo mid ka mid ah la meel-mariyay halka kuwa kalana u madlan yihiin kalfadhiga soo socda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Aqalka sare, isagoo bogaadiyay howlihii ay qabteen Kalfadhigii Labaad.

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhankiisa amaanay guulihii aqalka sare uu gaaray Kalfadhigii labaad, isagoo sheegay in wax lagu farxo ay tahay howlaha adag ee qabsoomay.

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u hambalyeeyay Aqalka sare, isagoona sheegay in Labada Gole ay guud ahaan usoo xirmeen Kalfadhiyadooda Labaad.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa u mahad celiyay dhamaan Masuuliyiintii iyo marti sharaftii kale ee kasoo qeyb gashay Munaasabada lagu xirayay Kalfadhiga Labaad ee Golaha Aqalka sare, wuxuuna sheegay in golaha uu qabtay hawshii loo igmaday, si fiicana uu u gutay Waajibaadkii looga baahnaa.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo & Eyl

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo goordhaw gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo goordhaw gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo goordhaw gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In