Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo agaasimaha guud wasaarada Xanaanada xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadaasi, ayaa sheegay in ay dhiiri galinayaan, islamarkaana ay xoogga saari doonaan beerista dhirta.
Xil C/fitaax Qaasim oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhirta, isaggoo xusay in diinta Islaamka ay ka hadashay dhowrista dhirta.
Dadkii ka soo qeyb galay Munaasabada, ayaa ku waxa ay ku baaqeen in la joojiyo xaalufinta dhirta.