Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad Goboleedka (AGA) ee Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad Goboleedka (AGA) ee Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatey munaasabad ku saabsan xus iyo xusuus loo samaynayay Wakiilkii Akadeemiyada AGA ee Koonfur Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Munaasabaddaasi oo ujeeddadeedu aheyd sidii loogu duceyn lahaa marxuumka geeriyooday ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka ee (SONNA) iyo Wargeyska Dalka Cali Cabdiqaadir Cali Agaasimaha xiriirka dowlad Gobaleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xasan Cali, xubno ka socday Wasaaradda Waxbarashada, Guddoonka Akadeemiye-Goboleedka, madaxda Golaha Abwaannada, wakiilo ka matalayay bahda afka, qoraalka iyo akhriska, xubno ka socday ehelada marxuumka iyo marti sharaf kale oo badan.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Furitaankii munaasabaddaasi ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo sheegay inuu guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo asaxaabtii uu ka baxay Wakiilkii AGA ee Koonfur Galbeed uu uga tacsiyaynayo geeridi ku timid marxumkaasi, isaga oo caddeeyay inuu Alle uga baryayo inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

“Prof. Kalaay waxa uu ahaa aqoonyahan qaali ah oo mudan in la xuso, maadaama uu wax badan u soo qabtay ummaddiisa, waxaana lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa daryeelka iyo hiilka Afka hooyo”ayuu yiri Prof Afrax oo iftiimiyay in shaqsi qiima badan uu ka baxay Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga.

Munaasabaddaasi waxaa lagu soo bandhiggay taariikh nololeedkii Prof. Maxamed Cali Kalaay, waxaana halkaasi ka soo jeediyay Prof. Mustafa Cabdullaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka, isaga oo si cilmiyaysan u faah-faahiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray marxuumka.

Wasiirkii hore Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Saalax Sheekh Cusmaan, La-taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Dr. Cabdi-shakuur Sheekh Xasan Fiqi, Guddoomiyaha Golaha Abawaannada Soomaaliyeed Abwaan Xisri Dhuux iyo Agaasimaha Wakalaadda Warrarka Soomaaliyeed iyo Wargayska Dalka ee Wasaaradda Warfaafinta Cali Cabduqaadir Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida Prof. Kalaay, iyaga oo soo jeediyay in si wadajir ah loogu duceeyo marxuumkaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Prof. Fawsi Cabdi-nuur Maxamed oo ka tirsan Golaha Aqoonayahannada Koonfurta Soomaaliya, Guddoomiyaha naadiga Hillin-hayaan C/qaadir Axmed Jubba iyo Cali Max’ed Kalaay oo ku hadlyay afka ehelada ayaa ka sheekeeyay qeybo ka mid ah taariikhdii marxuumka iyo doorkii uu ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Prof. Maxamed Cali kalaay waxa uu sannadkii 1953 ku dhashay magaalada Baydhabo, waxaa uu soo noqday Wasiirkii Tacliinta Sare Dawladdii Carte, waxa uu ahaa aasaasihii Jaamcadda Koonfurta Soomaaliya, waxa uu ahaa Wakiilkii Akadeemiyada AGA ee Koonfur Galbeed, noloshiisa inteeda badan waxa uu ku soo qaatey dhinacyada waxbarashada iyo daryeelka afka, dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

Previous Post

Goorma ayay dhacaysaa Muxaadarada Sh. Umal qabanayo.?

Next Post

Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Addis Ababa “SAWIRRO”

Next Post
Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Addis Ababa “SAWIRRO”

Saraakiil ka tirsan hay'adda Socdaalka oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Addis Ababa "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In