Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Baydhabo loogu sameeyey Wafdiga uu hogaaminayo kusimaha Madaxweynaha “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Munaasabad soo dhaweyn ah oo Baydhabo loogu sameeyey Wafdiga uu hogaaminayo kusimaha Madaxweynaha “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Waxaa Magaaladda Baydhabo ka dhacday Munaasabad lagu soo dhaweynayey Wafdiga uu hogaaminayo kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa Munaasabada ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka koonfur Gaalbeed, Xildhibano Ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya, iyo Wariiro Ka tirsan Dowlad Goboleedka koonfur Gaalbeed iyo qeybaha Bulshada ee Magaalada Baydhabo.

Fanaaniinta Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay suugaan ay kusoo dhoweynayaan wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada koonfur Galbeed  Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo, waxaana uu sheegay inay farxad u tahay maamulkooda inay soo dhaweeyeen qaar kamida Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Aaya sheegay in ka maamul ahaan iyo Shacabka reer koonfur Galbeed ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga soo gaaray Magaaladda Baydhabo.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u Mahad celiyay Shacabka iyo Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen.

By Ibrahim Gudle

Previous Post

Maamulka gobalka Benaadir oo garoonka Aadan Cadde ka hir geliyay xarun laga helo adeegyada dowladda hoose+Sawirro

Next Post

Shirka Wadatashiga Dib u eegista Sharciga Socdaalka Dalka oo ka Furmay Garowe

Next Post
Shirka Wadatashiga Dib u eegista Sharciga Socdaalka Dalka oo ka Furmay Garowe

Shirka Wadatashiga Dib u eegista Sharciga Socdaalka Dalka oo ka Furmay Garowe

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In