Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho: Imtixaanka guud ee dugsiyada sare waxa uu si rasmi ah u bilaanayaa 30-ka May “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Muqdisho: Imtixaanka guud ee dugsiyada sare waxa uu si rasmi ah u bilaanayaa 30-ka May “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay xilliga kama dambeysta ah ee la qaadayo Imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ee waxbarashada ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyinta Wasaaradda Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumada Fedraalka Soomaliya oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka Sahanka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa waxey  kaga hadleyn qorshayaasha Wasaaradda ee ku aadan Waxbarshada Dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarshada, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Nuur ayaa sheegay in Ardaygii aan galin imtixaanka dowladda aan lasiin doonin shahaado uu dibada ku aado ama uu gudaha dalka wax kaga  barto.

”Marka labo qodob aan ukala  qaado imtixaanka sida lasheegay imtixaan qasab ma ahan in lagalo dadka kuma qasbana qofkii rabaa galaayo waaxuriyad laakiin go’aanku wuxuu yahay oo aan rabo in uu qofkasto maqlo oo berito war ka imaanin” isagoo intaa raaciyay “Imtixaankas qofkaan galin ma lahan shahaado uu dibada ku aado iyo mid uu gudaha ku aado midna ma helaayo, Wasaaraduna ma bixin doonto marka qofkasto asigoo sidaasi og waa in uu imtixaanku gala ama uu ka baaqdaa, waxaan rajeyneynaa oo aan Ummadda Soomaaliyed ka rajeyneynaa, Waalidkana ka rajeyneynaa in imtixaankas galaan oo ardaydu in imtixaan ay galaan loo ogolaado si shahaadada u qaatan”.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Soomaliya Mudane Cabdulaahi Bile Nuur ayaa tilmamay in Wasaaradda Waxbarashada 24 sano kadib ay dalka ka hirgalin doonto  30ka bishan May ee 2015 imtixaanadka Dugsiyada sare ee Dalka.

”Anaga hadaan nahay Wasaraadda Waxbrashada,  waxaa qorshaha dhow inoogu jirta in aanu qaadno imtixaanka shahaada bixinta, imtixaankaasi oo dhici doono sida aad u sheegtay hadda 30 May, waxaana uu ka dhici doonaa dhamaan gobalada 11 gobal ee uu ka koobanyahay Koonfurta  iyo bartamaha Soomaliya”

Wasaaradda Waxbarsahada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinki ugu danbeeyay waday qorshayaal lagu tayeeynayo waxbarshada dalka iyo in dib loo soo celiyo adeegyada waxbarasho ay heli jireen bulshada Soomaaliyed.

IMG_9135 IMG_9139 IMG_9142 IMG_9144 IMG_9148 IMG_9149 IMG_9151 IMG_9153 IMG_9157 IMG_9161 IMG_9162 IMG_9165 IMG_9166 IMG_9167 IMG_9168 IMG_9171 IMG_9173 IMG_9175 IMG_9177

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Feereysane)

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo Baarlamaanka u qeybiyay qorshe howleedka Xukuumadda “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo golaha Barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka Xukuumadiisa “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo golaha Barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka Xukuumadiisa “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo golaha Barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka Xukuumadiisa “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In