Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka “Hal sano laguma arag Soomaaliya kiis la xiriira cudurka dabeysha” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka “Hal sano laguma arag Soomaaliya kiis la xiriira cudurka dabeysha” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Caaafimaadka ee WHO iyo qeybta arrimaha beni’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka qeyb galay xuska sanad guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii halsano laga waayay Soomaaliya kiis la xiriira cudurka Polio ama dabaysha, iyagoo si wada jir ah carruur Soomaaliyeed u siiyeen talaalka labo dhibcood oo ah ka hortagga cudurka dabeysha.

Dr Buubaal oo ah madaxa Soomaaliya ee hay’adda WHO ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in halsano aan Soomaaliya laga helin cudurka dabaysha, kaddib dadaal badan oo hay’adaha caafimaadka ay arrintan ku bixiyeen

Related posts

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026

“Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xusno halsano oo aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya, waxaan xasuustaa bishii  May sanadkii 2015 qiyaastii la sameeyay,  waxaan u imaanay in aan ka qeyb qaadano cirib tirka cudurkan, waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo dadaalada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda cafimaadka madaxdeeda iyo shaqaalaheeda ee ku aadan  cirib tirka cudurka dabaysha, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa hay’adaha dowladda soomaaliya ka taageeray cirib tirka cudurkan kuwaasoo dhamaantood ku dadaalay in mudo 12 bilood ah Soomaaliya laga waayo cudurka dabaysha” ayuu yiri Dr Buubaal.

Pitter Digler ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah isu duwaha gar gaarka beni’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa fariin ku aadan ka hortaga cudurka dabaysha u diray Waaldiinta Soomaaliyeed

“Waxaan rabaa inaan halkaan fariin ugu diro walidiinta Soomaaliyeed, fariintaas oo ah in cudurkan uusan laheyn wax dawo ah oo ay tahay oo keliya in laga hortago, waalidiinta waxaan u sheegayaa in carruurtooda ay talaalaan oo aysan carruurtooda u dhiman laba dhibic oo qura” ayuu yiri Pitter.

Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa ka hadashay marxaldihii cudurkan dabaysha uu soo maray, iyadoo sheegtay in Soomaaliya cudurkan laga cirib tiro ay dadaalkeeda kaalin weyn ka qaateen hay’adaha dhinaca caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan halkaan mahad balaaran ugu jeedinayaa shaqaalaha WHO oo dadaal badan noo sameeyay, waana farxad in halsano aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya waan xasuustaa sanadkii 2013-kii oo 198 carruur oo la xanuunsan aan Soomaaliya ka helnay waxa ay ka badnaayeen dadka adduunka oo dhan ee cudurka qaba,  marka waxaan sii wadeynaa qabka aan carruurta ku talaaleyno ee looga hortago halista cudurka dabeysha” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Xaawo.

IMG_0001 IMG_0006 IMG_0009 IMG_0018  IMG_0024 IMG_0030 IMG_0035 IMG_0037 IMG_0038 IMG_0039 IMG_0040 IMG_0042 IMG_0047 IMG_0048 IMG_0051 IMG_0052 IMG_0057 IMG_0058 IMG_0063 IMG_0065 IMG_0066 IMG_0069 IMG_0070 IMG_0074 IMG_0076 IMG_0079 IMG_0081 IMG_0082 IMG_0085 IMG_0096 IMG_0098 IMG_0102 IMG_0106 IMG_0109 IMG_0114 IMG_0120 IMG_0122 IMG_0124 IMG_0125 IMG_0127 IMG_0141

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Maxamed

Previous Post

Xarun cusub oo loo dhisay ciidanka booliska ee qeybta miino baarista qaabilsan

Next Post

Sida lagu caawin karo qoysas ku soo barakacay Beladweyne oo laga hadlay

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Sida lagu caawin karo qoysas ku soo barakacay Beladweyne oo laga hadlay

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

June 13, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay maalinta la qabanayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In