Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muxuu ka yiri Wasiirka Howlaha Guud shirka mashruuca dib u dhiska Waddooyinka?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Muxuu ka yiri Wasiirka Howlaha Guud shirka mashruuca dib u dhiska Waddooyinka?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Howlaha Guud ‘ Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS ayaa daahfuray shir lagu ansixinayo Mashruuca Dib u dhiska Wadooyinka Soomaaliya.

Hadaba halkan ka akhriso hadal jeedinta Wasiirka

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Hadaljeedinta Wasiirka Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.
• Ansaxinta Aqoon – is – weedaarsiga
‘Daraasadda, naqshadaynta iyo diyaarinta dukumeentiyada tartanka (Mashruuca Kaabayaasha Wadooyinka Soomaaliya RIP)

09-May-2022

Wakiilada ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ●Wasiirada Howlaha Guud Dib u Dhiska Iyo Guriyaynta ee ka tirsan dawlaha xubnaha ka ah Dawlada Federaalka Soomaaliyeed, hay’adaha gaarka ah, Shirkadda A.I.C ee Talyaaniga ah ee Howl-Wadaag la ah Shirkadda DECSON ee Soomaaliyeed iyo ururada bulshada, waxaan marka hore idin salaamayaa dhammaantiin Salaanta Islamka.

Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ee Xukuumada Federalka Soomaaliyeed, waxaan bogaadinayaa in ay wasaaradda fulinayso Mashruuca Kaabayaasha dhaqaalaha ee wadooyinka ee uu maalgaliyo Bangiga Horumarinta Africa iyo ansaxinta hawsha dhib-u- dhiska qayb ka mid ah wadooynika Soomaaliya. Hawshaan oo soo martay marxalado kala duwan oo hada maraysa heer gabo gabo ah oo daraasad iyo diyaarinta naqshada jidka iyo dukumintiga tartanka Oo maanta La Ansixinaayo. Si marka kadib looguda galo Howlihii Dhismahaa Wadooyinka Qaar oo Darasadooda iyo Naqshadayntooda lasoo Dhamaystiray.

Waxaa Wasaarad ahaan inoo suuragashay in aan xoojinay wadashaqaynta Bangiga Horumarinta Afrika iyo Wasaaraddaha Hawlaha guud ee dawladaha xubnnaha ka ah Dawlada Federaalka Soomaaliyeed

Intaa waxaa dheer, hirgelinta mashruucan kaabayaasha ee wadooyinka Soomaaliya waxaa suuragaliyay Midowga Yurub, Bangiga Harumarinta Afrika iyo Dowladda Talyaaniga. Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan hay’adaha ka faa’iidaystayaasha mashruucaan waxaan leeyahay waa ku mahadsan yihiin in ay ka qayb qaateen dhib-u-dhiska dalka

Bangiga Harumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo Dawlada Talyaanigu waxay maalgaliyeen mashruucan. Saxiixa heshiiska maaliyadeed ee u dhexeeya bangiga horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub. dib u dhac ku yimid bilawgii mashruuca. Arrinkan hadda waa naga soo dhamaaday. Waxaa si buuxda loo saxiixayaa heshiiska maaliyadeed si loo bilaabo hawsha fulinta ee masshruuca kaabayaasha wadooyinka Soomaaliya.

Ujeedka Mashruucu waxa uu ahaa in la taageero lana horumariyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo loo fududeenayo gaadiidka isticmaalka wadooyinka, Isla markaana la xoojiyo helitaanka adeegyada ay u baahan yihiin dadwaynaa iyo isdhaxgalka bulshada, taas oo xoojin doonto horumarinta dhaqaalaha, bulshada, iyo xasiloonida dalka.

Mashruuca Kaabayaasha wadooyinka waxa uu fududayn doonaa ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, kordhinta xidhiidhka dalka iyo deegaanka, yaraynta wakhtiga safarka iyo kharaskha, xoojinta isu socodka iyo barnaamijyada shaqo abuurka, Waxa uu ka qayqaadan doonaa adkaysiga isbedelka cimilada iyo kala duwanaanshaha, iyo dalka in uu gaaro barwaaqo waarta.

Sanadkii la soo dhaafay, waxaa la bixiyay qandaraaska Lot 1&2 oo ay ku guuleesteen shirkada A.I.C. oo Joint Venture la ah shirkada DESCON . sidoo kale waxaa la bixiyay qandaraaska Lot 3&4 oo dib laga ansaxin doono Daraasadda, naqshadaynta iyo diyaarinta dukumeentiyada tartanka ee Mashruuca RIP.

Aqoon-is-weydaarsiga ansixinta maalmaha soo socota waxaa lagu eegi doonaa dhammaan warbixinnada laga soo xigtay wejiga 1aad, hawshan waxaa soo gudbiyay shirkada A.I.C. oo Joint Venture la ah shirkada DESCON. Warbixinnadaan horay ayaa loo soo gabagabeeyay.

Shirkadda la-talinta ayaa noo sharxi doonta warbixinnada daraasadda iyo naqshadeynta la soo jeediyay. Iyadoo laga eegi doono qaabka daahfurnaanshaha ay sameeyeen iyo suurtogalnimada dayactirka/dhismaha waddooyinka Lot1&2.

Gebogebadii, Waxa aan aad ugu mahad celinayaa dhamaan ka soo qaybgalayaasha in ay waqtigooda u soo hureen ka qaybgalka ansaxinta aqoon-is-waadaarsiga mashruuca kaabayaasha wadooyinka Soomaaliya gaar ahaan ansaxinta Daraasadda, naqshadaynta iyo diyaarinta dukumeentiyada tartanka Lot1&2. Waxaan dhamaan idiin rajaynayaa aqoon-is-weydaarsiga ansixinta oo guuleysta.

Aad iyo aad ayaan mar kale idiinkaga mahad celinayaa dareenkiina farxadeed.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay ururada bulshada rayidka

Next Post

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay xuska 15 May “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay xuska 15 May “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay xuska 15 May "SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In