Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muxuu noqon doonaa Mustaqbalka Al-Shabaab.?

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Zoobe oo cudurka Kansarka la ildaran iyo loolan ka dhextaagan Alshabaab.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa kaliya ee la ogyahay ayaa ah in xaaladdiisa ay aad u liidatay markii ugu danbaysay, isla markaana uu gabay masuuliyaddii ahayn hoggaaminta maleeshiyada Argagixisada ah ee AlShabaab, Axmed Diiriye oo AlShabaabka dhexdiisa looga yeero Abuu Cubayda wuxuu ku magacaabanyahay horjoogaha Al_Shabaab tan iyo markii la qaarajiyay horjoogihii ka horeeyay ee Axmed Godane, haseyeeshee waxaa mudooyinkaan danbe dhulka dhigtay Xanuuno Badan oo isugu biiray.

 

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

In ka badan Hal Sano ayuu la liitaa Axmed Diiriye cudurka Kensarka (Cencer), wayna ka sii daraysa xaaladiisa sida ay sheegayaan ila wareedyo muhiim ah oo aan helnay, iyadoo maleeshiyadaan Argagixisada ah ay ku guul daraysteen inay horjoogahooda ay u helaan meel wax looga qabto caafimaadkiisa.

Xaaladda Axmed Diiriye iyo Sameeynta Shabaab.

Dadka la socda Arrimaha Maleeshiyadaan ayaa haatanba qaba in ay muuqato Saamayn wayn oo ka dhalatay hoggaan xumada Axmed Diiriye oo markiisii horaba ahaa nin aad isaga jilicsan hadana xanuun daran uu dhulka sii dhigtay.

Sidoo kale waxaa xiligaan muuqata in Awooda iyo hoggaanka maleeshiyada aad leesugu heesto.

“Xilkan oo ah kan ugu sarreeya waa kan kaliya ee uu raadiyo qof kasta oo isu arka in uu ururka saameyn ku leeyahay, marka waxaa iska hor imaanaya damacyadooda waxayna ku yeelan kartaa saamayn ah in ay danaha ku kala tagaan maadaama ay isla ogyihiin in caqiiddo aysan ahayn waxa ay ku wada joogaan oo ay dano yihiin, horrey waxay saameyn ugu yeelatay oo meesha ka baxay wixii ay qaban jireen oo dhaqdhaqaaq ahaa markaan si kale u dhaho, Awoodooda ayaa hoos u dhacday.” sidaasi waxaa qaba Maxamuud Faarah oo ah aqoonyahan ka faalooda Arrimaha Maleeshiyaadka xagjirka ah.

Waxaa jira is mari waa wayn oo hada ka dhex jira qaar ka mid ah Horjoogayaasha maleeshiyadaan Al-Shabaab, iyadoo qaar ka mid ah horjoogayaasha ay bilaabeen inay isxulafaystaan si ay ula wareegaan hoggaanka maleeshiyada.

Haddii uu Dhinto Axmed Diiriye Maxaa dhici kara.?

Maadaama haatan ay muuqato kala qaybsanaan wayn oo ka dhex jirta Maleeshiyadaan, iyo hardan loogu jiro la wareegidda Awooda ugu saraysa ee Meeshiyadaan ayaa la aaminsanyahay inay keeni karto Itaalka Argagixisadaan oo aad u sii yaraada iyo iyagoo dhexdooda kala aamin baxa.

Dadka Arrimaha Shabaabka aad ula socda oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa aaminsan in haddii ay soo baxdo geeridda horjoogaha Al-Shabaab ay uga dhigantahay Maleeshidaan bur-bur wayn oo aysan ka soo kabsan.

Sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in Bur-burkaas oo horseedi doono Maleeshiyaad badan iyo Horjoogayaashooda oo hada ka aamin baxay fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab oo doonaya inay isku soo dhiibaan Dowladda, laakiin cabsi ay ka qabaan in maleeshiyadu disho haatan isku qarinaya inay helaan waddo fudud oo ay ku soo baxaan.

Saamaynta Ajaanibta iyo Qilaafka hadda jira.!!!

Tan iyo markii Maleeshiyadaan u bareertay inay dilaan Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ahaa Ajaaniibta ugu saamaynta badan Al-Shabaab dhexdooda, waxaa aad u yaraatay saamaynta Ajaanibta la joogta horjoogayaasha Argagixisada Soomaaliya, inkastoo ay caddahay fikirka iyo amarada ay ku shaqaynayaan inuu ka yimaado Ajaanib kale oo jooga dalka dibadiisa kuwaasi oo Maleeshiyadaan ay masuul kaga yihiin Burburinta dalkaan iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Dhaqanka Al-Shabaab iyo Diinta.!!!

Dhaqankaan foosha xun ee ku salaysan danaysiga laakiin mgaca diinta ay ku hoos qarinayaan ayaa ah mid ay aad u sii fahmayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo markii hore aaminsanaa in Al-Shabaab ay u dagaalamayaan diin.

Sidoo kale Dhammaan culimadda Soomaaliyeed iyo Culimada Caalamka ayaa si isku mid ah u caddeeyay Bayaano ay soo saareen in dhaqanada xun xun ee maleeshiyadaan caadada u ah inaysan diinta islaamka raad ku lahayn, iyadoo culimada ay kaga digeen dadka islamaanka ah inay raacaan fikirada xagjirka ah ee caadada ay u leeyihiin Argagixisada.

Howlgalada Dowladda iyo Xaaladda Al-Shabaab.!!!

Ciidanka sooma jeestayaasha ah ee xoogga dalka ayaa sii balaariyay howlgalada ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab iyadoo aad looga taxadaro in Khasaaro uu soo gaaro dadka shacabka ah maadaama Al-Shabaab ay ku dhex dhuumalaysaan dadka rayidka ah.

Jabkii ugu xooganaa Al-Shabaab waxaa maalmihii ugu danbeeyay loogu gaystay howlgalo laga sameeyay Gobalada Hiiraan, Gedo, Jubooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgalada dhulka ee ciidanka xoogga ayaa sidoo kale waxaa Barbar socda howlgalo dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Baxsadka ah ee Maleeshiyadda Al-shabaab ku waasi oo habeenba meel ku hoyda cabsi darteed.

Previous Post

Diyaar garowga ololaha cafis oo si habsami leh uga socda Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan geerida horjoogihii Alshabaab

Next Post
Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Zoobe oo cudurka Kansarka la ildaran iyo loolan ka dhextaagan Alshabaab.

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan geerida horjoogihii Alshabaab

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In