Wararka naga soo gaaraya Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayaan in Maleeshiyada argagixisada ah halkaasi ay ku xireen dad Shacab ah oo isugu jira rag iyo haween, kuwaasi oo ah dadka deegaanka.
Dadka la xiray, ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay shan qof, waxaana qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ay inoo sheegeen in sababaha Nabad diidka Al-Shabaab ay u xireen dadkaasi ay tahay in ay ka dhago adeegeen amarro ka yimid Argagixisada.
Nabad diidka Al-Shabaab, ayaa ku amray dadka ku nool Degmada Xarar-dheere in carruurtooda ay ku biiriyaan Kooxda Al-Shabaab, si ay u askareeyaan, balse dadka deegaanka ayaa ka biyo diiday amarkaasi, waxaana taasi badalkeeda Nabad diidka ay xir xireen qaar kamid ah Waxgaradka ku nool degmadaasi.
Lagama war hayo Xaaladda ay ku sugan yihiin shanta qof ee Nabad diidka Al-Shabaab ay xireen lixdii Bishaan, waxaana qaar kamid ah dadka deegaanka ay isku dayeen in Kooxda Al-Shabaab ay kala hadlaan sii deynta dadkaasi, balse waxay ugu hanjabeen in iyagguna ay xiri doonaan haddii aysan faraha kala bixin arrimahaasi.