Nabadoon Badal Jaamac Xirsi oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxda dawladda Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada inay tanaasul u muujiyaan Shacabka Soomaaliyeed si dalka loo gaarsiiyo Doorasho xor iyo xalaal ah.
Nabadoon Badal ayaa soo dhaweeyay Shirka Madaxda Soomaaliya uga socda magaalada Muqdisho iyo dadaallada ay hormuud ka tahay Dawladda Soomaaliya ee ku aadan geeddi socdka arrimaha doorashooyinka iyo dhamaystirka heshiiskii 17 September ay gaareen dawladda Federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah, isagoo intaa ku daray in Madaxdu heshiis ka gaaraan Arrimaha Doorashooyinka oo aysan Dalka u horseedin dib u dhac dambe .
Hadalka Nabadoonka ayaa ku soo adaya, iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socda Shirka Wadatashiga ee Dhamaystirka arrimaha doorashooyinka, lana filaayo in la sii ambaqaado wada xaajoodyada u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir..
Halkan ka dhageyso codka