Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
April 7, 2021
in Wararka
0
Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

‎بِسْمِ ٱللّٰهِ ٱلرَّحْمٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Sida aad lawada socotaan bishii 7-aad ee Sannadkii hore ee 2020-kii waxa soo bilaabmay doodda ku saabsan Nooca Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka. Dowladda Federalka Soomaaliya oo rabtay in ay dalka u hoggaamiso barnaamijka xisbiyada badan ayaa waxa qaar ka mid ah Maamul Goboleedyadu ku dhageen in ay joojiso hannaankii metelaadda shacabka ee hal qof iyo hal cod, iyo curashadii koowaad ee hannaanka xisbiyada badan oo rajadiisu muuqatay. Waxaana Dowladda lagu riixay in ay ka leexato jidkii qummanaa una janjeersato hannaanka doorashada dadban iyo metelaadda kooban.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Xilligaas waxa isu diiwaan geliyey hannaanka xisbiyada badan iyo ka qayb galka doorasho dadweyne oo hal qof iyo hal cod ah illaa 100 xisbi. Guddida Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaa shaqada diiwaan gelinta u waday si xilkasnimo ah oo howlkarnimo ka muuqato.

Laakiin Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland waxa ay diideen hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaanay ku adkaysteen in lagu laabto habraacii 2016-kii iyo doorasho dadban.

Nin faras dabadiisa ka degey meel uga toosan buu waayaye, markii Dowladdu ku waafaqday Madaxda Dowlad Goboleedyada heshiiskii doorashada dadban ee ay iyagu soo qorteen ee 17-kii September si dalka doorasho wadar oggol ahi uga dhacdo waxay sidoo kale Maamul Goboleedyadaasi dedaal badan ku bixiyeen in dhinacyadii kale ee ay qusaynaysay aanay waxba ka beddelin Heshiiska, sidaasna lagu ansixiyo heshiiskii 17-kii September.

Si loo dardar geliyo fulinta Heshiiskaas waxa Xukuumadda loo soo gudbiyey Guddiyadii Doorashada ee 3 Maamul Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland, laakiin nasiib darro mar kale Puntland iyo Jubaland waa ay diideen in ay soo magacaabaan Guddidii Doorashada.

Si loo dardar geliyo fulinta heshiiskii 17-kii September Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeeray kulamo badan oo is daba joog ah, laakiin Madaxda Jubaland iyo Puntland waa ka baaqdeen kulamadaas marka laga reebo kii Samareeb oo ay xujooyin cusub la yimaaddeen.

Ra’iisal Wasaaraha JFS wuxuu booqday inta badan Maamul Goboleedyada Dalka si doorashadu u bilaabanto. Laakiin nasiib darro Puntland iyo Jubaland way diideen in doorasho bilaabanto.

Haddaba;

Markii la sugayey labadaas Maamul Goboleed muddo 6 bilood ah oo intaas oo dhan lagu qancinayey fulinta heshiiskii ay saxeexeen ee 17-kii September

Markii la isugu tegey Garoowe, Samareeb, Baydhabo iyo Muqdisho si isfahan looga gaaro qabsoomidda doorashada

Markii ay dureen Ciidammadii Qalabka Siday si sharci darro iyo amni darro uga dhacdo Dalka

Markii Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay jid iyo jiho diid noqdeen si loo fuliyo heshiiskii ay iyagu soo qorteen dalkuna doorasho u aado

Markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu in kabadan 5 jeer gogol u dhigay Maamul Goboleedyada doorasho diidka ah, taas oo uu kula baxay magaca “Tanaasul Badane”

Markii wax kasta oo ay codsadeen loogu oggolaaday is-fahankii Baydhabo ee 15-16-kii Febraayo si doorasho u dhacdo, laakiin mar kale ay Puntland iyo Jubaland diideen fulinta is af-garadkii ay ku soo saxeexeen Baydhabo.

Markii ergo Madaxweynuhu u diray Madaxda Jubaland iyo Puntland kana koobnayd Madaxweyneyaasha saddexda Maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay kala soo laabteen gacmo maran iyo natiijo la’aan.

Markii illaa 3-dii April la wada fadhiyey Xarunta Avizione si xal loo gaaro, mar kale Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay keeneen shuruudo cusub oo ay kamid ahayd in Baarlamaanku shaqada joojiyo oo la naafeeyo, Madaxweynuhu awooddiisa dastuuriga ah wareejiyo, Xukuumaddu noqoto magac-u-yaal, ajanebigu door ku yeeshaan talada Dalka iyo in shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida. Arrimahaas oo marka la isu wada geeyo la macno ah “Dowlad la’aan”.

Markii uu noqday hal bacaad lagu lisay dhammaan dedaalladii ay sameeyeen dhinacyadii is xilqaamay ee kala ahaa Madaxweynaha Dalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horu-socodka ah, odayaal waxgarad ah, culumada Soomaaliyeed, haweenka daneeya siyaasadda iyo dhab u heshiinta, ganacsatada iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka, si ay Madaxda Jubaland iyo Puntland ugu soo qanciyaan in ay oggolaadaan in Dalku doorasho aado.

Ugu dambayn

Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.

Previous Post

Xarun wicitaan oo Beeralayda Gulmudug loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay wax soo saarka Beeraha iyo suuqyada “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka Soomaaliya  oo ka hadashay wax soo saarka Beeraha iyo suuqyada “SAWIRRO”

Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay wax soo saarka Beeraha iyo suuqyada "SAWIRRO"

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In