Xafladda lagu soo bandhigayay natiijada ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, dad ka socday ururada bulshada rayidka, waalidiin iyo gabdhihi tartanka ka qeyb galay iyo martisharaf lagu casuumay munaasabadda.
Tartankan oo ay ka qeyb galeen gabdho badan oo ah kuwa gabyo kuwaasoo idaacaddu ay ugu talagashay inay ku dhiirigeliso garaadka iyo Wacyiga gabdho badan oo gabyo. Kuwaasoo doonaya inay nolosha horumar ka gaaraan.
Maanta ayaana la shaaciyey sadexda gabdhood oo kaalimaha hore ka galay tartanka kuwaasoo la guddoonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarino kale, Gabdhahaas waxay kala yihiin:-
- Shukri Jaamac Ibraahim oo kasoo jeeda magaalada Boosaaso
- Nimco Xasan Tooxyare oo kasoo jeeda Hargeeysa
- Miski Warsame Nuur oo kasoo jeeda Garowe.
Hadaba, si aan arrimahaasi wax uga ogaano ayaan ka wareysanay Madaxa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq, isagoo ku sugan magaalada Garowe ayuu u waramay Aamino Ladan Axmed Cali oo ka tirsan SNTV oo waydiisay inuu faahfaahin naga siiyo natiijadii kasoo baxday tartanka lasoo gabo gabeeyay?
Ka bogo codka Wareysiga Halkan: