Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Natiijo hor dhac ah oo ka soo baxaysa doorashada Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Natiijo hor dhac ah oo ka soo baxaysa doorashada Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo warar hor dhac ah ay sheegayaan in natiijooyinka codadkii la tirayay uu ku horeeyo Uhuuru Kenyatta ayaa Raila Odinga  oo ah Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya waxaa uu ka soo horjeestay natiijadaasi isagoo ku tilmaamay in mid aan la aqbali karin.

Dadka saadaaliya siyaasadda dalka Kenya ayaa sheegaya in aanu muuqan wax isdaba marin ah oo ku aadan qaabka ay u dhacday doorashada, taasi oo Mr Raila Odinga uu sheegayo in uu jiro ku shubasho.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Guddiga doorashada waxaa uu  sheegay in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka, balse aysan iminka ku dhawaaqi doonin natiijada saxda ah.

Sida ay muujinayaan tirooyinka ka soo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey, waxayna labada musharax ee ugu horeeya kala heleen, Uhuru oo heysta 54.6% boqolkiiba halka Odinga uu heysto 44.5%. Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowr sugaan natiijada kama dambeysta, waxaana weli guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya ilaa iyo sideed musharax, waxaase ugu cad cad Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya ee Uhuru Kenyatta iyo Hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Oding

Diblomaasiyiin iyo kormeerayaal caalami ah ayaa ku sugan dalka Kenya, aygoo u kuurgalaya habka doorashadaasi u socoto si aanay u dhici wax is daba marin.

Afhayeen u hadlay dowlada Kenya ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada, waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo sheegay in uu aqbali doono natiijada, kuwa ay is hayaanna wuxuu ugu baaqay in ay sidaas oo kale sameeyaan. wuxuu sheegay in Kenyanku ay horay u socdaan iyaga oo hal dal ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdsho

Next Post

Sh/Dhexe: Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaanno istaariiji ah

Next Post
Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay Afgooye

Sh/Dhexe: Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaanno istaariiji ah

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In