Doorashada Madaxtinimada ee dalka Mareykanka Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa ku jira loolankii ugu dambeeyay ee Xilka Madxtinimada, iyadoo ay iminka soo baxayaan natiijooyin hor dhac ah.
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa natiijada horudhac ah la tirayay waxa uu heystaa 244, halka musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton ay iyana heysato 215, waxaana Trump uga dhiman oo kaliya in uu ku guuleysto oo uu helo 26 cod.
Donald Trump ayaa codad ka helay gobollada Xisbiga Dimoqraadiga ay markii hore doorashooyinka ku hogaamin jireen, kuwaasi oo kala ah Florida, Ohio iyo North Carolina.