Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nicholas Haysom”Waxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha 14-kii October”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Muqdisho oo maanta laga xusayo dadkii ku shahiiday musiibadii 14-kii October
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay sida uu u garab taaganyahay dhibbanayaasha musiibadii 14-October ee sannad ka hor ka dhacay bartamada magaalada Muqdisho.

 

Ergeyga Gaarka ah ayaa sidaa sheegay mar uu maanta ka hadlay xaflad koobnayd oo lagu qabtay xarunta weyn ee Qaramada Midoobay ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsado walxaha qarxa (IEDs).

Dad kale oo gaaraya 316 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa xubin ka mid ah shaqaalaha Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay, Faiza Sheekh Maxamuud.

“Anigoo maalintan xusuusanayna dadkii geeriyooday, waxaan ugu baaqayaa xoogagga kooxaxa xagjirka ah inay ka haraan inay walxaha qarxa hub ahaan ugu adeegsadaan dagaalka fallaago,” ayuu yiri Mudane. Haysom. “

Weerarrada qaraxyada oo aan loo meeldayin awgood, sida caadada ah dhibbanayaashu inta badan waa dad rayid ah oo aan waxba galabsan  oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Ma jirto wax ujeeddo siyaasadeed ah oo weligeed lagu gaari karo dil aan loo meeldayin oo loo geysto dad rayid ah.”ayuu sii raaciyey Nicholas Haysom

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale amaanay adkeysiga dadka Soomaaliyeed, wuxuuna garowsaday sida uu u sii socdo oo aan marnaba istaageynin horumarka uu dalku ku tallaabsanayo si uu u gaaro nabad iyo barwaaqo inkastoo ay jiraan dhacdooyin argagaxiso.

“Waxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha qaraxa oo noloshooda isbedel aan laga soo waaqsan karin ka soo gaaray dhacdooyinkii 14kii Oktoobar 2017,Waxaan u rajeynayaa iyaga iyo ehelladooda ee ay jecelyihiin inay yeeshaan adkeysi ay uga bogsadaan dhaawacyada jirka iyo kuwa maskaxda ee uu reebay weerarkan foosha xun.” ayuu yiri Mudane Haysom.

Previous Post

Faahfaahin Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay ninkii ka dambeeyey qarixii Soobe

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hooyadiis ay geeriyootay

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In