Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nigeria oo laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronovirus

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Nigeria oo laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronovirus
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta Dalka Nigeria ayaa sheegay in laga helay Cudurka Coronavirus nin u dhashay dalka Talyaaniga, kaasoo ka safray magaalada Lagos kunasii jeeday goob kale ka hor inta aan la geynin halka lagu karantiilo dadka qaba caabuqa,sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Dalka Nigeria.

Ninka la qabtay ee u dhashay dalka Talyaaniga ayey dowladdu xaqiijisay inuu yahay qofkii ugu horeeyay ee laga helo xanuunka Coronavirus-ka gudaha Nigeria,kaasi markiisi hore ka yimid magaalada Milan ee Italia,waxaana uu joogay mudo labo maalin ah kahor inta aan la qaban.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Dhacdadaan ayaa dhalisay foojignaan hor leh oo la geliyay saraakiisha caafimaadka dalka Nigeria,waxaana hadda la raadinayaa dadkii la saarnaa diyaaradda uu ku yimid qofka laga lehay cudurka,waxaana Dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday in la soo baaro meelah uu booqday ninkan,ka hor inta aan isbitaalka la geynin.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday wadanka ugu daran ee uu halakeeyay caabuqa Cudurka Coronavirus ee Yurub,waxaana ninka laga helay Corona-ha uu dalka Nigeria kusoo galay diyaarad laga leeyahay wadanka Turkiga 24-kii bishan Febraayo sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Lagos Akin Abayomi.

Shaqaalaha Caafimaadka ayaa markii dambe ku wareejiyay masuuliyiin ku taqasusay Cilmi nafsiga si ay wax uga ogaadaan xaalada ninkan ka hor inta aan lagu wareejin xarunta karantiilka magaalada Yaba ee gobalka Lagos.

Osagie Ehanire oo ah Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dalkaasi ayaa sheegay in 27-kii Febraayo uu xaqiijiyay shaybaarka Virology ee Isbitaalka Machadka Jaamacadda Lagos oo qeyb weyn ka ah shabakadda sheybaarka ee xarunta xakameynta Cudurrada ee Dalka Nigeria iyo ninka uu karantiilan yahay si wanaagsan loola tacaalayo xaaladiisa

Sidoo kale shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines kama aysan hadlin kiiska la sheegay in diyaarad laga leeyahay Turkiga ay keentay.

Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu sheegay in ay islamarkiiba ay khubaro u direen dalka Negeria taaso oo ay u aqoonsadeen 13-mudnaanta sara leh ee Qaaradda Africa.

Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye Mursal oo Jabuuti lagu soo dhaweeyay+Sawirro

Next Post

Dekad macmal ah oo Hobyo laga hirgelinayo”Dhageyso”

Next Post
Dekad macmal ah oo Hobyo laga hirgelinayo”Dhageyso”

Dekad macmal ah oo Hobyo laga hirgelinayo"Dhageyso"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In