Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nigeria oo laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronovirus

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Nigeria oo laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronovirus
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta Dalka Nigeria ayaa sheegay in laga helay Cudurka Coronavirus nin u dhashay dalka Talyaaniga, kaasoo ka safray magaalada Lagos kunasii jeeday goob kale ka hor inta aan la geynin halka lagu karantiilo dadka qaba caabuqa,sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Dalka Nigeria.

Ninka la qabtay ee u dhashay dalka Talyaaniga ayey dowladdu xaqiijisay inuu yahay qofkii ugu horeeyay ee laga helo xanuunka Coronavirus-ka gudaha Nigeria,kaasi markiisi hore ka yimid magaalada Milan ee Italia,waxaana uu joogay mudo labo maalin ah kahor inta aan la qaban.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dhacdadaan ayaa dhalisay foojignaan hor leh oo la geliyay saraakiisha caafimaadka dalka Nigeria,waxaana hadda la raadinayaa dadkii la saarnaa diyaaradda uu ku yimid qofka laga lehay cudurka,waxaana Dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday in la soo baaro meelah uu booqday ninkan,ka hor inta aan isbitaalka la geynin.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday wadanka ugu daran ee uu halakeeyay caabuqa Cudurka Coronavirus ee Yurub,waxaana ninka laga helay Corona-ha uu dalka Nigeria kusoo galay diyaarad laga leeyahay wadanka Turkiga 24-kii bishan Febraayo sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Lagos Akin Abayomi.

Shaqaalaha Caafimaadka ayaa markii dambe ku wareejiyay masuuliyiin ku taqasusay Cilmi nafsiga si ay wax uga ogaadaan xaalada ninkan ka hor inta aan lagu wareejin xarunta karantiilka magaalada Yaba ee gobalka Lagos.

Osagie Ehanire oo ah Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dalkaasi ayaa sheegay in 27-kii Febraayo uu xaqiijiyay shaybaarka Virology ee Isbitaalka Machadka Jaamacadda Lagos oo qeyb weyn ka ah shabakadda sheybaarka ee xarunta xakameynta Cudurrada ee Dalka Nigeria iyo ninka uu karantiilan yahay si wanaagsan loola tacaalayo xaaladiisa

Sidoo kale shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines kama aysan hadlin kiiska la sheegay in diyaarad laga leeyahay Turkiga ay keentay.

Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu sheegay in ay islamarkiiba ay khubaro u direen dalka Negeria taaso oo ay u aqoonsadeen 13-mudnaanta sara leh ee Qaaradda Africa.

Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye Mursal oo Jabuuti lagu soo dhaweeyay+Sawirro

Next Post

Dekad macmal ah oo Hobyo laga hirgelinayo”Dhageyso”

Next Post
Dekad macmal ah oo Hobyo laga hirgelinayo”Dhageyso”

Dekad macmal ah oo Hobyo laga hirgelinayo"Dhageyso"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In